Kulamadda Usbuucan ee Premier league Ciyaarta Liverpool Iyo Chelsea Fc

0
  • Ciyaaraha (Sayruuq Sport) Horyaalka Kubadda Cagta ee Dalkaasi England ee lagu Magacaabo Premierleague ayaa waxa sanadkan Hantiyey Kooxda Chelsea Football Club ee uu Hogaanka u hayo Tababare Mourinho iyadda oo ay ka hadhsanyihiin Saddex kulan,
    Waxa la wadda sugayaa Ciyaarta Maalinta Axadda ah dhex mari doonta labadda kooxood ee Liverpool iyo Chelsea Fc Garoonka Anfield,
  • Mourinho oo ka hadlaya kulankan Maalinta Axadda ah la ciyaari doono iyo Ciyaartoydiisa waxa uu yidhi ” Diego Costa waxa uu rabaa inuu ciyaaro kulankaas laakiin waxaanu eegi doonaa dhibka ay keeni karto inuu ciyaari karo iyadda oo aan war ka sugayno kooxda Caafimaadka ee kooxda, sidoo kale Oscar waa Dhaawac kaas oo sababay in laga saaro Xulka Qarankiisa Brazil”
  • Ciyaaryahanka kooxda Chelsea uga Ciyaara khadka dhexe ee Matic oo ka hadlay Ciyaartaas ayaa yidhi : ” Waxaanu u haraad qabnaa inaanu ka badino kooxda Liverpool waliba aanu ka gaadhno guul wayn “
  • Dhanka kale waxa uu maanta ku cadeeyey shirkiisa jaraa’id tababaraha kooxda Liverpool Rodgers Ciyaaryahanka ay la wareegtay Manchester united ee Depay oo lagu Xamanayey inay Liverpool ay raadinaysay waxaanuu yidhi : ” Liverpool marnaba may jeclayn inay la soo wareegaan ciyaaryahankaas, kooxda Liverpool iyo dib u dhiskeedu waxa uu iman doonaa wakhti dhaw”
    ugu dambayn waynu wadda daawan doonaa waxay natiijadda ciyaartaas iyo ciyaaraha kale ee horyaalka England oo sidan ah
  • wakhtiga Geeska Afrika
    ——————————-
    Saturday 9 May
    12:45–EvertonSunderland
    15:00–Aston VillaWest Ham
    15:00–HullBurnley
    15:00–LeicesterSouthampton
    15:00–NewcastleWest Brom
    15:00–StokeTottenham
    17:30–Crystal PalaceMan Utd
    Sunday 10 May
    13:30–Man CityQPR
    16:00–ChelseaLiverpool
    Monday 11 May
    20:00–ArsenalSwansea

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.