Ku Saabsan Shantii Madaxweyne ee Somaliland (18 May 1991 – 18 May 2018)

0
MadaxMadaxweynaha Oo Khudbaddiisa Indhaha Lagu Hayoweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sii Daynta Maxaabiista
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Ku Saabsan Shantii Madaxweyne ee Somaliland (18 May 1991 – 18 May 2018)
Waxa Qoray Maxamed Baashe X Xasan
Xukuumadihii shanta ahaa ee kala dambeeyey xukuumad kastaa waxna waa ay wanaajineysey, waxna way xumayneysey.

Tolow se kee baa badnaa tognida iyo tabnaanta? waa arrin u baahan daraasayn mug leh, aan se maan-fur kooban ku sameeyo 28 sannadood ka mid muddo-xileedyadii madaxweynayaashii kala dembeeyey.

  1. Tuur, AHN, 1991 – 1993 wakhtigii ugu xumaa ayuu ku soo beegmay oo ay wax waliba sagxadda qaniinsan yihiin, wax se uu guuleystey in dadka oo wax wada leh ku simo labadii sannadood ee muddo- xileedkiisa oo xukunkiina wareejiyo, isaga oo sharcigii yaalley u hoggaansan.

Dhaliishiisa ugu weyni waa in uu hub-ka-dhigis ku samayn kari waayey ciidamo beeleedyadii, unkina kari waayey haykal iyo hay’ado-dawladeedkii loo baahnaa iyo in uu markii la beddeley uu ka noqday aaminsanaantii qarannimadii Somaliland, olole colaadeedna galay. Waxana la ogaa in Tuur markii horeba aanu iimaansanayn gooni isu taagga Somaliland.

  1. Cigaal, AHN, 1993 – 2002 waxa u qabsoomay wax weyn oo qiimo leh, cid kale oo kastaa oo xilligaas saaxadda ka muuqateyna aanay fulin karteen.

Waxa uu rukunka u taagey oo yagleelay qalfoofkii haykalka iyo hay’adaha dawladnimo, sida dastuur, hub-ka-dhigis ciidan beeleedyadii, samaynta ciidan qaran, calanka, lacag iyo astaamihii qaranka.

Waxa uu ku guuldarraystay xoolayntii iyo ka shaqaysiintii hay’adahaas isaga oo lahaa haddana aqoon maamul oo hore.

Dagaallo sokeeye uu ka soo doogey oo uu ka badbaadey ayaa ahaa isir weyn oo suura geliyey dib u nabadayn iyo degganaan, waa uu se geeriyoodey, isaga oo aan muddo-xileedkiisii dhammaysan, hawlo waaweyna horyaalliin.

Waxa aan ka mid ahay dadka aaminsan in hoggaamintiisa fashil ku soo socdey marka la eego sidii uu dhaqmayey ee kelitalisnimadu ku badnayd ee kursi ilaashiga ku salaysnayd, isaga oo ka faa’iideysanaya goldaloolooyinkii dastuurka uu sameeyey oo u dhignaa sidii shaadh uu isagu is le’ekaysiiyey ama uu isku tolay oo inta uu dunida joogo nin kale aanu gashan karin.

Qaybi oo xukun ayuu caan ku ahaa, mana oggolaadeen in uu abuurmo xisbi uu hoggaaminayo nin adag oo isaga hunjaalliyi kara ama loodin kara.

Waxa aan odhan karaa geeridu Cigaal waxa ay u ahayd asturaad marka laga tago in ajashiisu gashay.

  1. Riyaale 2002 -2010 waxa uu ahaa madaxweyne nabadeed oo doobir badan. Waxa uu Somaliland ka tallaabiyey meel Cigaal inuu ku fashil lahaa dad badani ila qabi karaan.

Waa dhammaystirkii aasaaska axsaabta siyaasadda iyo qabashada doorashooyinka golaha degaannada, wakiillada iyo madaxweynaha oo laba jeer ahayd.

Waxa uu Riyaale ku fashilmay in uu wax horumar ah oo la taaban karo ka sameeyo noolaynta iyo ka shaqayn siinta kaabayaashii caddilnaa, xoolayntii hay’adaha kale ee dawladnimo iyo yagleelka kuwii maqnaa.

Waxa kale oo Riyaale ku wacnaa in isku xidhnaanta gudaha ee xubnaha xukuumaddiisu ay adkaato. Kudlad aad isugu tolan oo dhib iyo dheef wadaag ah ayay ahayd.

Xasarad la’aan iyo gobannimo miiggan ayuu xilkii ku wareejiyey, iyada oo kooxi la doonaysey in uu muran ka keeno natiijadii doorashada oo kursiga isku adkeeyo. “Wixii aan wax ka dhisay gacantayda ku burburin maayo” ayaa maguurtada ugu jirta.

  1. Siilaanyo 2010 -2017 waxa uu ugu horrayn dhisay xukuumad kooban oo tayo leh. Waxa uu dhawrkii sano ee u horreeyey hirgeliyey mashaariic waaweyn oo aanay cidi hore ugu tallaabsan oo qarannimada noolaynaya, sida beddelidda lacagtii Giinbaarta oo ahayd tii Soomaaliya ee gobollada bariga la adeegsan jirtey, bixintii darajooyinka ciidamada qaranka oo milateri, bileys, asluub iyo ciidamada baddaba ka kooban iyo dhismayaashii iyo dib u hagaajintii xarumaha wasaaradaha, hay’adaha iyo waddooyinka oo ay waddada Ceerigaabo ka dhex ifayso.

Waxa uu jebiyey, dhinaca kale, derbigii xadiidka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey ee sida dastuuriga ah Somaliland uga jirey ee ahaa qofkii Soomaaliya soo qaadaa waa dembiile, waxanu furay wada hadallo labada dhinac ah, in kasta oo aanay weli natiijo macne leh ka soo bixin, hsddana waxa furan irriddii wada hadallada.

Waxa se uu Siilaanyo ku guuldarraystay in uu hirgeliyo maamul wanaag iyo in uu sharcigu sarreeyo. Qabyaalad, qaraabokiil, naasnuujin ballaadhan iyo musuqmaasuqii awelba jiri jirey ayaa garoomo sii toshay oo halkii ugu sarreeyey gaadhey.

Xukuumaddii koobnayd ee tayada lahayd ee uu sameeyey bilowgii ayaa sidii hangaraaraca lugo badan yeelatay oo sida furuqa u tarantay.

Xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu markii ay timi talaa faro ka sii haaddey oo dalkuba waxa uu ku dhici gaadhey dalluun dheer.

Waxa aan ka mid ahaa dadkii welwelka weyn ka muujin jirey in dalka iyo dawladnimadu ku soo dhacaan hoggaamin la’aan markii ay muuqatey in madaxweynihii la igmaday taladii si tallaabo tallaabo ah uga sii baxayso farahiisa xaaladdiisa caafimaad awgeed.

In aanu ahayn nin xukun jacayl derderey dhawr arrimood ayaa u marag ah. Midi waa markii 80 cod lagaga helay doorashadii hore ee Kulmiye in badan oo ka mid ah xisbigiisuna aynu dagaallanno ku taliyeen oo uu door hoggaamiyennimo muujiyey. “Anigu kursi uu dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo” ayaa diiwaanka u gashay”. Mid kale waa in markii uu arkay in xusuustiisu hoos u sii dhacay dambe uu ku tashaday in uu is casilo oo uu mas’uuliyaddii loo igmaday dadkii lahaa u celiyo ee lagu gacan-saydhay ee lagu garbo-duubay in uu muddo-xileedkiisa dhammaysto.

Si wacan buu u wareejiyey xilkii markii doorashadii dhacday.

  1. Muuse 2017 – 2019 waxa uu ilaa hadda u muuqdaa in uu yahay madaxweynihii ugu liitey ee Somaliland soo mara marka la eego maamulka iyo garashadiisa aqooneed ee hoggaaminta.

Waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo tayadeedu liidato. Waxa uu wax ku ballaysimay caddaalad darro, qaraabokiil, naasnuujin qabali ah, musuq, dhul boob caa’ili ah oo waalli ah, sharci jebin, xadhig joogto ah oo aan sifo sharci loo marin iyo kelitalisnimo sii koraysa.

Mashruuca Shaqo Qaran ee dhallinyada oo askarnimo uuni ka maqiiqan, welina aan natiijadiisa la gaadhin iyo buugaagta ardayda loo qaybiyey ee lacagta laga bixiyo mooyaane ma arko meel kale oo la taaban karo oo macne buuran leh oo uu sameeyey sannad iyo badhka uu hadda joogey.

Xukuumadaha waxqabadkoodu waa inta ay cusub yihiin ee dadku u heellan yihiin. Sannadaha dambe waxa ay quutaan wixii ay qabteen labada sano ee u horreeya.

Cirridka se aan arkayo ilko khadda kama soo jeedaan. Waxa aan ka werweraa, wallaahi, in uu muddo-xileedkiisaba la isla gaadhi waayo, Alle kama dhigee, oo kala daadasho timaaddo.

Gunaanad

Shanta madaxweynenaba waxa dhibaato ku ahayd, ku ah xaqiiqada in ay garan weeyeen meel ay ummadda u dhaqaajiyaan oo waxa dabada u sii jeediyey adduunka oo dhan iyo arrinta Soomaaliya oo ka soo rayn weydey iyada oo intooda badani quuddarraynayeen in Soomaaliya wax la la yeelan karo haddii ay wax ka hagaagaan. Taasina illaa hadda waxba kama soo naaso- cadda.

Tuur, Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyaba taas waa ay ka midaysnaayeen, Muusena taasi waa ay ka soo if ifaysaa marka la eego sida uu Farmaajo ula xidhiidho iyo sida uu marka uu dadka la hadlayo uu giirka isaga kiciyo.

Isagaa (Muuse) marna la xidhiidha Farmaajo si dhuumasho ah, marna inoo caaya si qaawan marka dadka la joogo meel banyaal ah.

Taasi waa dhalliil weyn oo hoggaamineed oo waxa maqan kudhacii ay dadka madaxweynayaasheennu ugu sheegi lahaayeen runta qaawan ee hor yuuban ama kartidii ay ku iimaansan lahaayeen Somaliland, una sameeyaan aragti iyo qorsho himilo dhow iyo tu dheer leh oo Somaliland oo aan meel kale naawilayn lagu hoggaamiyo.

Mar walba shanta madaxeeyne waxa maamulkooda ka dhex muuqata hoggaamin xumaan iyo karti la’aan aragti abuureed. Hoggaan dadkii la yidhi adigu hoggaami isagu dadkii dabo socda!

Fiiri gaar ah: waa aan hubaa in madaxweyne kasta aan tago tognaan uu lahaa ama tabnaan uu lahaa, waayo anigu si guud baan u eegay ee ma helin daraaso hore looga sameeyey oo la xigan karo, aniguna wakhti uma helin aan daraasayn baalla fidsan ku sameeya, 18 May xuskeeda uun bay intani ku timi.

Waa iga maan-carin munaasibadda 28-aad ee xuska 18 May.

Fiiro gaar ah: fadlan mawduucs ha ka bixin. Si hufan u dood oo fikirkaaga u dhiibo si maangalka ah. Haddii kale dhegeyste uun ku koobnow, wixii aan intaas ahayn se ka reebban boggan oo ka mid ah hantidayda qofnimo.

Soo dhoweyn ra’yi kala duwanaanshe kasta oo caaddifad ka madax bannaan.

Tu san baynu leennahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.