Kornayl Caarre Oo La Weeraray

0

Kornayl Caarre Oo La Weeraray
Wararka ka imanaya magaalada Qardho oo xarun u ah Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa sheegaya in koox hubaysan dhacday gaadhigiisa gaarka ah. Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in magaalada laga maqlay rasaas intii weerarku socday hase ahaatee wali lama sheegin cidda weerarka gaysatay.

Maamulka Puntland ayaa Magaalada Qardho saldhig ka siiyay Kornayl Caarre oo ka goostay ciidamada Qaranka Somaliland waxaanu halkaas dhawr jeer weerar kaga soo qaaday ciidanka Somaliland ee aagga Ceelafweyn.

Puntland waxa si xawli ah uga socda loolanka loogu jiro doorashada madaxtooyada ee horraanka 2019 oo xumaddeeda siyaasadeed si weyn looga dareemayo, islamarkaana lagu mashquulsan yahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.