Kornayl Caarre Ma Somaliland Baa Laga Saaraya?

0
Caarre Oo Somaliland Ka Baxay

Kornayl Caarre oo hore ugu gacansaydhay shuruudda cafiskiisa ayaa la sheegay in hadda ay ku sii jeedo guddida dhexdhexaadinta oo maalmihii la soo dhaafay gaadhay magaalada Ceerigaabo iyaga oo wada qorshe lagaga saarayo dalka si uu cafis u soo dalbado.

Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa ku warramaysa in xogo ay ka heshay arrintani ay sheegayaan in madaxweynuhu guddida u dhiibay qorshe uu qarashkiisa bixinayo oo ku saabsan in Caarre loo diro Turkiga lana galo cafinta jabhaddiisa.

Muuse Biixi ayaa guddia dhex dhexaadinta oo haatan gaadhay gobolka Sanaag faray inay kornayl Caare ku soo qanciyaan inuu dalka ka baxo isla markaana u socdaalo wadanka Turkiga, ka dibna uu soo waydiista cafis uu dalka ku soo galo taas oo uu u fidin doono, waxaanu hogaamiye Muuse Biixi guddida ku wargeliyey inuu diyaar u yahay bixinta kharashka ku baxaya fulinta qorshahaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hogaamiye Muuse Biixi uu balanqaaday qadar lacag ah oo uu farta ka saari doono kornayl Caare marka uu dalka ku soo galo cafiska uu soo waydiisto, taas oo aanu cadayn inta ay tahay.

Guddida dhex dhexaadinta hogaamiye Muuse Biixi iyo kornayl Caare oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa la dhawrayaa talaabooyinka ay qaadaan iyo natiijada ka soo baxda kulamada ay la yeelan doonaan kornayl Caare.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa guddida ka sugaya inay fuliyaan isla markaana qodobadii ay isla garteen ee uu cafiska ugu fidiyey ciidamada jabhada Kornayl Caare kuwaas oo uu dhawaan sheegay in ciidamada qaranka lagu dari doono.

Xigasho: Hadhwanaagnews

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.