Kooxda Real Madrid ayaa rabta in Gareth Bale ka iibiso Chelsea si Hazard ay u hesho

0

Ciyaaraha (Sayruuq News) Kooxaha kubadda cagta ee dalalka Ingiriiska iyo Spain ee kala ah Chelsea Fc iyo Real Madrid ayaa waxay rabaan inay kala badashaan laba ciyaaryahan ee Bale iyo Hazard,

Sida ay qortay jariiradda Daily Star ayaa waxay sheegtay in doonista ay Real Madrid doonayso Ciyaaryahanka Hazard uu ku qasbayo in Gareth Bale dib loogu celiyo Horyaalka dalkaasi ingiriiska kaas oo uu hore ugu ciyaari jiray ciyaarahankani kooxda kubadda cagta ee Totenham oo ka dhisan Magaaladda London ee caasimadda dalkaasi England oo ay ka wadda dhisan yihiin kooxda Chelsea Fc,

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaan aad ula dhacsanayn Ciyaaryahanka Gareth Bale iyagoo ku tilmaamay mid aan karti u lahayn inuu kooxda ka caawiyo inay goolal dhaliso, waxa kale oo ay khubaradda kubadda cagta ee dalkaasi Spain ay ku tilmaameen Bale inaan qaab ciyaareedkiisa sanadkani aanuu ahayn mid horseedi kara inuu kooxda sii joogo isagoo hoos u dhac wayn ku yimid,

Ciyaarahankii hore ee kooxda Manchester United uga ciyaari jiray dhanka difaaca Gary Nevile ee ka faalooda ciyaaraha ayaa waxa uu yidhi ” Hadii kooxda Chelsea ay hesho ciyaaryahanka dheereeya ee Gareth Bale waxa dhici doonta in ay horyaalka dalka ingiriisku noqon doono mid kooto ugu xidhan kooxda Chelsea, waayo Gareth Bale waa ciyaaryahan tayo leh oo u qalma inuu Hogaamiye dhab ah ka noqdo koox dalka ingiriiska ka dhisan”

Dhanka kale waxay wararka suuqu sheegayaan in Tababaraha kooxda Chelsea Fc Mourinho aanuu u ogalaan doonin Hazard inuu kooxda ka tago Xagaaga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.