Kooxda kubadda cagta Somaliland oo iska xaadirisay wareega labaad iyo dalka ay fooda isla geli doonaan ciyaarta xigta

0

Hargeysa (Sayruuq)- Waxa si rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega rubuc-dhamaadka (quarter finals) ee koobka kubbadda cagta qoomiyadaha Qaaradda Afrika ee UK, iyadoo Somaliland iska xaadirisay wareega labaad.

African Nations Cup UK

Xulka kubbadda cagta Jaaliyadda Somaliland, ayaa wareegii koowaad si xarago leh uga soo baxday, kadib markii ay ka badiyeen qoomiyadaha dalalka Nigeria, Kenya, iyo Rwanda oo ay ku wada jireen group B, waxaanna Somaliland ka badiyey dalka Brundi oo qudha, iyadoo ay kooxdaas ka soo baxeen dalalka Somaliland iyo Brundi.

Sidoo kale, waxa wareega hore ku hadhay kooxda koobkan difaacanaysa ee Sierra Leone iyo dalka Nigeria oo saddex jeer ku guulaystay tartankan, waxaanna wareega rubuc-dhammaadka iska xaadiriyey qoomiyadaha dalalka Somaliland oo markii u horraysay ka qaybgelaysa tartankan, Ghana, Uganda, Ivory Coast, Cameroon, Burundi, Morocco iyo Senegal.

Isku aadka wareega rubuc-dhammaadka (quarter finals) ee tartankan  waxa uu u dhigan yahay sidan;

Morocco vs Burundi

Somaliland vs Senegal

Cameroon vs Uganda

Ghana vs Ivory Coast

Somaliland national team

Sida qorshuhu yahay, waxa ciyaaraha wareegan dhici doonaa 6 June 2015 oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo guul loo saadaalinayo kooxda kubadda cagta Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.