Kooxda DAACISH Oo Dad Itoobiyaan Ah Oo Masiixiyiin Ah Ku Laayay Dalka Liibya. +Sawiro

0

Liibiya(Sayruuq) Kooxda Daacish ee dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya masiixiyiin Itoobiyaan ah oo qoorta laga jarayo, kuwana la tooganayo, iyadoo uu yahay muuqaalkii labaad oo kooxdu ay soo bandhigto.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqda niman dhar madow xiran oo maxbuus ahaa iyo koox dharka milateriga wadatay oo mid ka mid ah uu dharkiisa uu ahaa madow, bastooladna gacanta ku heystay, waxaana uu ku hadlayay luqada Ingiriiska.

Dil wadareedkan ayaa ka kala dhacay Barqah oo ku taal bariga Liibiya iyo Fazzan oo koofurta ku taal, halkaasoo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano islaamiyiin ah oo taabacsan Daacish.

Muuqaalkan oo socday 29 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi ayaa cinwaan looga dhigay “Illaa iyo inta ay uga imaaneyso Cadeymo”, waxaa nin hadlayay uu u goodinayaa dadka masiixiyiinta, wuxuuna sheegayaa in aanay bad baadin doonin, ilaa ay ka qaataan Diinta Islaamka ama ay dhiibayaan lacagta Jizyada.

Sidoo kale waxaa la farayaa dadka masiixiyiinta ee ku nool deegaanada Daacish Maamulaan ay dhiibaan lacagtaas, hadii ay si nabad ugu noolanayaan, kuwa diidayana ay wajahayaan dil. Labo bilood ka hor ayay aheyd markii Maleeshiyada ka dagaalanta Libiya ay soo bandhigtay muuqaal lagu gowracay masiixiyiin u dhalatay dalka Masar, kuwaasoo ka shaqeysanayay dalka Liibiya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.