Koonfur Galbeed Duullan Ba Ku Socda, Somaliland..,”

0
Waxaan daawaday laba muuqaal Oo Ay kooxda Al-shabaab ka diyaariyeen weerarro ay ku qaadeen 10 Hoteel,

Koonfur Galbeed Duullan Ba Ku Socda, Somaliland..,”
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukumadda Madaxweyne Farmaajo dhibaato ku hayso guud ahaan Soomaalida gaar ahaana Jabuuti, Somaliland iyo maamullada Soomaaliya. Siyaasigan mucaaradka ku ah xukumadda Farmaajo waxa uu sheegay in bulshada degta Koonfur Galbeed ay si gaar ah u bartilmaameedsatay xukumadda Farmaajo, islamarkaana la isku dayay in la cuno qabateeyo Somaliland, Jabuutina dhabarka laga jabiyay.
Qoraal uu ku faafiyay boggiisa Facebook ayaa u dhigan sidan:-
Waxa maanta Baydhabo ka dhacay dulmi xad dhaaf ah ayey ahayd. Inkastoo deegaanada oo idil la dulmiyey, haddana shacabka Koonfur Galbeed dulmi iyo duulaan dheeraad ah ayaa ku socda. Afar hogaamiye ayaa sanadkaan gudihiise mid xiray, mid xilka laga tuuray iyo mid la xanibay laga dhigay. Jawaari, Sharif Xasan, Roobow iyo Mursal.

Dhinaca Galmudug Xaaf ayaa la isku deyey in xilka laga tuuro, Hoyga Qaybdiid ayaa loo dhacay, anna waa tii weerar la igu soo qaaday. Somaliland in kaalmada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed laga hor istaago ayaa la isku dayey, halka Puntland la fadqalaleeyey oo muran joogta ah Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii laga dhex aloosay, Jubaland na maleeshiyaad qabiileed ayaa lagu hubeynayaa, Jabuuti na dhabarkaa lagu dhuftay.

Shacabku waa in uu baraarugaa oo qoladaan xasarada iyo xasilooni darida caadaysatay meel uga soo wada jeestaan, guddo iyo dibadba.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.