Komishanka Oo Ka Hadlay Tirinta Codadka Doorashada

0

Hargeysa(Sayruuq) Guddida doorashooyinka Somaliland waxa ay sheegeen in dhammaan sanaadiiqdii codbixintu ay si nabad ah ku soo gaadheen degmooyinkii ay markii hore ka baxeen. sidoo kalena ay tirinta codadku  ay bilaabantay marka laga reebo degmada Hargeisa oo iyadu ah ta ugu wey, islamarkaana ay gudo galayaan marxaladii labaad ee ay dib ugu saxayeen tirada codadka .

Waxa kale oo ay sheegeen in ay doorashadu ay u dhacday si qurux badan cabashduna ay aad u yarayd. sidoo kale Waxa ay soo jeediyeen inaan laga deg degin oo lala socdo maadaama warka rasmiga ah uu yahay ka iyaga ka soo baxa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.