Komishanka Oo Ka Hadlay Iscasilaadda La Hadal Hayo

0
Komishanka Oo Hal Qodob Hor Dhigay Kulmiye

Komishanka Oo Ka Hadlay Iscasilaadda La Hadal Hayo
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay saxaafaddu baahisay oo ku saabsan in guddidu kulan la qaadatay madaxweyne Biixi una gudbiyeen istiqaalada iscasilaadda ah laakiin, arrintaasi way beenisay guddidu.

Masuul magaciisa qariyay oo wargeyska Geeska Afrika la hadlay ayaa sheegay in warkan ay faafiyeen dad dano siyaasadeed leh laakiin, aanay guddidu iscasilayn kuna hawlan tahay arrimo doorashooyinka ku saabsan.
“Warkaas waxba kama jiraan mana jiro kulan dhexmaray guddida doorashada iyo madaxweynaha oo ay iscasilaad ugu gudbiyeen, waxaanay todobaadkii u dambeeyay guddida doorashadu ku mashquulsanayd hawlo u dan ah doorashada, waxaana warkaa baahiyay dad dano siyaasadeed oo gaar ah leh,” sidaas ayuu yidhi qofka magaciisa qariyay ee wargeyska la hadlay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxay warbaahintu baahisay in madaxweyne Biixi ku qancay kala dirista Guddida Doorashada oo uu muddo dheer doonayay xisbiga WADDANI oo kalsoonida kala noqday.
Madaxweyne Biixi Oo Aqbalay Kala Diraysta Komishanka
Hase ahaatee Guddida Doorashada ayaan inta badan iska difaacin eedaha loo jeediyo lamana oga sababta guddidu inta badan afka u xidhato. Waxa kale oo muuqata in guddidu isku sii dhejinayso xilka oo muddo dheer lagu dul murmayay.
Guddida Doorashada Oo La Sheegay In Ay Iscasilaad Gudbiyeen
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.