Kismaayo!

0

Kismaayo!

Ciidamo Ethiopian ah ayaa isku dayay maanta inay galaan, garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, waxaana hor istaagay ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Kenya oo is kaashanaya. Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxuu tuhun weyn soo kala dhex galay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Ethiopia oo indho colaadeed isku eegaayay.

Ciidamadan maanta garoonka yimid ee Ethiopian-ka ah ayaa sida la sheegay waxaa usoo degi rabay ciidan Kumaandoos ah oo diyaarad sitay kana baxsan tirada ciidamada Ethiopian-ka ah ee halkan jooga. Balse ciidankii iyo diyaaradiiba ciidamada ammaanka garoonka ayaa celiyay oo diyaaradii inayna soo degi karin u sheegay.

Is horfadhi cabaar ah kadib ciidamada Ethiopian-ka ah ayaa xeryahoodii ku noqday, waxaana muuqata in ay samayn rabaan wax walba oo lagu carqaladayn karo doorashada dhici doonta. Balse ismayna wayddiin tabarta iyo joogitaankoda halkan waxuu yahay!

Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay u talinta dalka ayaa doonaya sidii doorashadii Koonfur galbeed in Kismaayo oo nabad ah dhiig ku daato isaga oo eegaya keliya dantiisa iyo in uu markale 2020 dalka hoggaamiyo taas oo riyo ah.
Cabdishakuur Haybe

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.