Khilaafkii Xisbiga Ucid oo Sii Xoogeystay, Cali Guray iyo Faysal Cali Waraabe oo midba midka kale ku Eedeyey in uu Xisbiga Burburinayo

0

“Faysal iyo Jamaal Wacad illaahay ayey wada galeen, illaahayna waxa uu yidhi wacadka aad gashaan fuliya, Faysalow yaanu wacad alle ku qabane ha ka bixin wacadkii aad gashay” Cali Guray.

“Cali Guray Markii uu Maxamed Biixi Soo Bixiwaayey ee Muuse soo Baxay ayuu Marada Tuuray, Nimankaasina sharcigaan Marinayaa” Faysal Cali Warabe

“Ninkan waligii aan waddo sax ah aan wax ku doonin, oo Murashaxnimo iyo Gudoomiye Booli ah sita, oo kun godobood gadaanka u sudhan yihiin, ayaa xisbigii soo faro galiyey” Cali guray

Hargeysa(Sayruuq) Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee Ucid ayaa si cad u sheegay in Musharax Sharciga ee Xisbiga UCID uu leeyahay uu yahay Jamaal Cali Xusen, waxanay Faysal Cali waraabe ugu baaqen in uu oofiyo balantii uu galay, waxa kale oo ay sheegen in weerarka xisbigooda lagu hayo iyaga oo si gaar ah u magacaabay in Xukumadu doonayso in xisbi Muxaafid ah ka dhigto Ucid.

Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexad Mujaahid Cali Guray, Maxamed Haruun iyo Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Xasan Cismaan Aadan (Sabce) ayaa Arrimahaasi si wada jir ah uga hadlay waxanay soo bandhigeen Xeerarka xisbiga sida uu u waafaqsan yahay Murashaxnimada Jamal Clai Xusen.

Cali Guray oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa yidhi. “Musharax sida loo noqdo waxa noo sheegaya Xeerkayaga anigu ma sheegayo, Faysalna awood uma laha in uu noo sheego, waxa intaydaba noo sheegaya sida lagu noqdo musharax xeerka xisbiga ucid, Golaha dhexe waxa uu cod u qaaday, isaga oo adeegsanaya qodobka 27 xubintiisa 1aad iyo qodobka 16aad xubintiisa iyo waliba xarafka sagaalad, iyada oo intaasi oo dhan eegaya golaha dhexe ayuu cod u qaaday dhammaan xubnihii kalfadhigaasi fadhiyey way u codeyen murashaxnimada Jamaal cali Xusen iyo cabdirashiid xassan mataan oo ku-xigeen ahaa, cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna wuu u codeyey, marka Faysal cali waraabe ayaa wakhtigaasi u diray Xeer ilaalinta, Komishanka iyo maxkamada in Nimankaasi yihiin murashaxiintii xisbiga”Ayuu yidhi.

Cali guray wax auu Faysal Cali Waraabe ugu baaqay in uu oofiyo blaantii uu galay. “Faysal iyo Jamaal Wacad illaahay ayey wada galeen, illaahayna waxa uu yidhi wacadka aad gashaan fuliya, marka qofka Muslimka ah ee diin iyo iiman lihi kama baxo wacadka uu galo, waxaanu ku nidhi Faysalow yaanu wacad alle ku qabane ha ka bixin wacadkii aad gashay”Ayuu yidhi.

Cali guray waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga ucid la doonayo in laga dhigo Xisbi Muxaafid ah. “Ninkan waligii aan waddo sax ah aan wax ku doonin, ma jeceli in aan magacaabe, oo wada xun oo xaaran ah wax ku doona, oo murashaxnimo iyo gudoomiye booli ah sita, oo kun godobood gadaanka u sudhan yihiin, ayaa xisbigii soo faro galiyey, marka waxanu isku haynaa Ucid waa xisbi muxaafid ah anaguna xisbi mucaafid ah ma noqon karno”Ayuu yidhi.

Maxamed Haruun iyo Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Xasan Cismaan Aadan (Sabce) oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Murashax Sharciga ee xisbiga ucid uu leeyahay uu yahay Jamal Cali Xusen.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo u warameyey Telefeshinka Kalsan ayaa waxa uu ka jawaabay hadalkaasi ka soo baxay xubnahaasi waxanu Faysal sheegay in Xisbiga Ucid uu yahay xisbi leh Sharci ciidi ku kafta xeerarka xisbiga ay anshaxmarindoonan, waxa kale oo uu Cali guray ku tilmaamay in mar walba dadka Aflagaadeya, isaga oo sheegay in sababta uu Muuse Biixi u cayayaana ay tahay ka dib markii Maxmaed Biixi Yoonis lagaga adkaday xisbiga Kulmiye. Waxanu yidhi. “Cali guray in uu xisbiga Ucid Burburiyo ayuu doonayaa, Cali guray waa ninkii lahaa Kulmiye hadii nin Awal ahi ka soo baxo Jamal way u dhamaato, Balan B, ayaa leenahay, marka Cali Guray markii uu Maxamed Biixi Yoonis soo bixiwaayey ayuu marada Tuuray, oo wuxu la dagaalamaya Muuse Biixi, marka anaga nagu galgalanmaye Sharciganu marindoona, marka Jilibka Cali Guray reer Axmed ayaa la yidhaahda qof reer axmed ah oo uu keenay ma jirto”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo ka jawaabay in Xisbigii Ucid uu Muxaafid ka dhigay “Anagu Xisbiga Kulmiye waanu tartamaynaa waa xisbi nala mid ah, haddii uu Muuse Damac yeeshay dee xaq ayuu u leeyahay laakiin in uu xaasido ma ah, ee waa in uu sidiisa han yeesha, laakiin xisbiyada waddani iyo Kulmiye waanu tartamaynaa”Ayuu yidhi Faysal.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.