Khilaafka Kulmiye Ma Soo Celin Doonaa Doorkii Lumay Ee Golaha Wakiillada iyo Midnimada Shirguddoonka?: Faallo

0

Taniyo markii xukumadda Siilaanyo xilka la wareegtay sanadkii 2010, waxaa muuqatay in aqlabiyadda mudaneyaasha golaha wakiillada ay hogaaminayeen xubnaha xisbiga Kulmiye ugu jira golaha wakiillada. Waxay aakhirkii gaadheen in 56 ka mid ah 82 mudane ee golaha wakiilladu daacad u ahaadaan awaamiirta iyo rabitaanka xukumaddu ka leedahay golaha wakiillada, taasina waxay sahashay in shaqadii iyo sumcaddii goluhu wiiqanto, maadaama aanay suuro gal ahayn inay hubiyaan  ama la xisaabtamaan xukumadda oo dalab kasta oo xukumadda ka yimaada xubnaheeda aqbaliyadda ahi u sii daynayeen.

 

Sida caadiga ah hanaanka dawladnimo ee Somaliland ayaa ku dhisan saddex waaxood oo kala ah waaxda fulinta(Golaha wasiirada), waaxda Sharci dejinta iyo waaxda garsoorka, kuwaasi oo is dheeli tira, dhinac walbana hubiyo qorsheyaasha iyo siyaasaddaha dhinaca kale fulinayo. waxaanu golaha wakiilladu inta badan la xisaabtamaa waaxda xukumadda.

Haddaba wakhtigan xubnihii ugu cadcadaa xubnaha golaha wakiillada ugu jira Xukumadda Kulmiye, waxay ka soo horjeedaan siyaasadda madaxweynaha iyo waliba guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanay la safan yihiin Musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe.

 

Xildhibaannada Kulmiye ee hadda danahooda xukumadda iyo xisbiga ka dhex arki waayay waxaa ka mid ah shirguddoonka wakiillada(labada guddoomiye xigeen), waa Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Aw Yuusuf Axmed, waxaana lagu xasuustaa sidii ay dagaalka uga gali jireen marsiinta golaha waxyaabaha xukummaddu rabto.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah hogaanka Kulmiye ee kala ah Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye guddoomiye xigeenka labaad iyo guddoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, kuwaasi oo daacad u ahaa xukumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda, haddase weerar afka ah ku qaada hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi.

 

Waxaa sidoo kale xusid mudan Xildhibaannada ay ka mid yihiin Musharax xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo hadda u ordaya musharax madaxweyne ee Kulmiye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin(Cabdiraxmaan Dheere) oo u ordaya guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), xildhibaan maxamed jama cilmi(Dable), Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo xubno kale.

 

Gunaanad

Haddii Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi sida hadda wax u socdaan kuwadaan hawlaha xisbiga Kulmiye, islamarkaana ay noqoto la isku joojin maayo, lagana takhaluso musharaxiinta isbahaystay ee xarunta xisbiga iyo madaxtooyada dibad jooga ka ah wakhtigan, waxaa suuro gal ah in xubnaha tirada badan ee xukumada iska casilay, xildhibaannada taabacsan iyo tageerayaashoodu xamaanta ka urursadaan Kulmiye, siday marar badan ka digeen in mustaqbalka Kulmiye(ama sii joogistoodu) ku xidhan tahay sida loo qabanqaabiyo loona maamulo shirka golaha dhexe ee Musharaxa iyo kuxigeenkiisa lagu dooranayo.

 

Waxaa hubaal ah in haddii garabkani Ku qanci waayo habka hogaanka xukumadda iyo hogaanka xisbigu u maamulo shirka golaha dhexe ay noqon doonaan kuwo mucaarad ku noqdo xukumadda iyo xisbigeeda, taasina waxay horseedi kartaa in shirguddoonka wakiillada oo ay caqabad ku ahayd mucaaradka iyo muxaafadka ay kala yihiin noqon doonaan kuwo ku midaysan mucaaradad ka dhan ah xukumadda, lana xisaabtami doonaan xukumadda Kulmiye, sidoo kalena ay heli doonaan garab xooggan oo xildhibaanno ah, kuwaasi oo ku biira xildhibaannada aan ku niyadsamayn hogaaminta Xukumadda iyo xisbigeeda, sidaasna mar kale ay mucaaradku ku noqon doonaan aqlabiyadda wakiillada.

Mawliid Cali-dhure

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.