Khilaaf ka taagan maaraynta Haamaha Shiidaalka Berbera iyo Masuuliyiinta Gobolka ku sugan oo Dood culusi dhex-taalo

0
????????????????????????????????????
Kooxo diidan Haamaha in la wareejiyo oo Booliisku raadinayaan
Berbera(Sayruuq) Dood adag oo Madax iyo Minjo saamaysay ayaa ka taagan xaalad cusub oo ku soo korodhay magaaladda Berbera, taasoo ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera ee ay Golaha wakiiladdu diideen, dadweynaha Reer Berberina dhawaaqa xoogan ay kala horyimaadeen.Illaa habeen hore waxa ka taagan qasriga Madaxtooyadda Berbera Dood iyo kulamo lagu falanqaynayo awaamiirta uu bixinayo wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha oo sita Digreeto uu madaxweyne Siilaanyo masuuliyad gaar ah ugu sii magacaabay in uu gobolka ka sii taliyo inta uu maqan yahay, isla markaana ku sii meel mariyo go’aankii xukuumaddu ku wareejisay Haamaha.Awaamiirta Wasiir ku-xigeenka oo sababtay in lagu xidho laba wariye ayaa xaasaasiyad dheeraad ah abuurtay, kadib markii Booliiska iyo Maxkamaduhuba diideen xadhigooda, waxaanu wasiir ku-xigeenku u adeegsaday awooda Madaxweyne ku-xigeenka oo la sheegay in uu usoo amray in loo fuliyo waxa uu doono.Wasiir ku-xigeenka oo ka faa’iidaysanaya awoodaha dheeraadka ah ee ay Madaxweyne siilaanyo iyo saylici a daba-joogaan ayaa la sheegay in uu ciidamo ku saaray koox dhalinyar ah oo la sheegay inay isku urursadeen Geel look or iyo Laalayska inta u dhaxaysa, hase yeeshee waxa la sheegay hawl-galkaas inaanay Booliisku waxba ku soo qaban ama aanay kula kulminba wax iska cabin ah, hase yeeshee waxa la sheegay in hawl gal kaas la mid ah ay ka abaabuleen dhinaca Galbeedka Berbera.Ma jiraan hawl-galadaas wax ka soo kordhay, hase yeeshee sida ilo xogogaal ahi sheegayaan wali waxa ka socda qasriga madaxtooyadda Doodii ay isku mari la’aayeen madaxda Gobolku, gaar ahaan wasiiradda jooga, iyo madaxda kale ee booliiska iyo kuwa heer gobol iyo Degmo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.