Khayraadku Haduu Helay Rageedi .W/Q Khadar Awrliq

0

Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland tan iyo markii uu caynaanka u qabtay wasiirkeedu waxay buuxisay door weyn oo ay tabaayeen shacabka reer Somaliland, taas oo dalka keentay maskaxdii looga faa’idaysan lahaa khayraadka dabeeciga ah ee ku duugan dalkeena.

Laga soo bilaabo dawladii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxay wasaaradu ahayd meelaha ugu faashilka badan xukuumadihii soo maray dalka, tii ina Riyaale haba sheegin maba jirin siyaasad cad oo laga leeyahay aayaha iyo wax soo saarka dalka, waxaanse hubaa inay hada jirto himilo fog oo laga yeeshay sidii khayraadka ku dahaadhan dalkeena loola soo bixi lahaa.

Taasi waa talaabo kuu muujinaysa in uu wasiirka macdanta iyo tamartu yahay qofkii ku haboonaa iib geeynta masiirka umada, gaar ahaana khayraadka uu dalkeenu leeyahay boqolkiiba boqol.

Carab, Afrikaan iyo reer Yuruba dalkeenu sida uu hodanka ugu yahay khayraadka kala duwan indhaha ayuu u saaray, wataa goboladii bariga ee la daawan jiray meelo badan durba laga helay macdan kala duwan, galbeedka hadalkeeda daa

Keena wax qabta markuu sidaas inoo iib geeyo ayeynu ku qaylinaa, maxaaba loo sheegan mar hadii uu sidan dalkii ugu roon yahay. Waxaan hubaa oo aan ku kalsoonahay in wasiirka macdantu gartay doorkii uu ku lahaa dawladiisa, kana soo baxay waajibaadkii loogu doortay masuuliyada qaran.

Markii ay reer galbeedku ogaadeen xaqiiqada taala dalka wataa ilaa kuwii Afrikaanka ahaa ee aan agteena ka soo wareegi jirini hada inoo soo dhololayaan, miyaad aragteen dal afrikaana oo yidhaahda Somaliland khayraadkeeda ayaanu wax soo saarkooda kala qayb galayaan? Waa mahad Eebe ina siiyey oo aqoon yahay wasiir Xuseen Cabdi Ducaale inoo gardaadiyey, ilaahayna haynoogu guuleeyo.

Qof kastaa marka loo dhiibo waxa uu ku fiican yahay waxay astaan u tahay in la gaadho lana hanto horumarka la higsanaayo ee dhan kasta leh. Dudumadii hore hadii laga baxay oo la noqday daahir-yaa shamis nasri Eebe weeyaan. Wax qabadka la taaban karo ee ay muujisay wasaarada uu hogaaminaayo wasiir Xuseen Cabdi Ducaale intay wasaaradu jirtay meeqam ay gaadhay maaha, xataa mid la odhan karo way ku soo dhawaatay laguma sheegi karo.

Mar hadii meel kasta oo farta la saaro oo sahan laga bilaabo la leeyahay halkana waanu ku helnay, xagee loo dhaafayaa markaa. Somaliland maaha dal isku filan oo la soo bixi kara khayraadkiisa, tusaale waxaa inoogu filan dalka Sucuudiga oo ilaa hada wax soo saarka dhanka shiidaalka laga caawiyo, kaas oo dheefta u badan ay leeyihiin wadamada shisheeye ee soo saara, halka isaga qaybta ugu yara laga siiyey.

Somaliland hadii tusaale ahaan shiidaal loo soo saaro oo la yidhaahdo boqolkiiba sodonta (30%) qaata waxaan hubaa in aanu jiri doonin qof dambe oo reer Somaliland oo ka cawda camal la’aan, waxaaba aynu yeelan lahayn guno cid kasta soo gaadha oo markay bishu dhamaato sida biilka ugu doonta dawladiisa.

Intaas ayeynu garan laanahay, deegaanka laga helo shiidaal wuxuu noqon lahaa deegaanada ugu qanisan Somaliland dhan kasta, waxaan hadalkaygu ku soo koobayaa cadceeda sacab laguma qarin karo wuxuu muujiyey dadaal iyo waxqabad la taaban karo wasiirka tamartu Md Xuseen Cabdi Ducaale.

W/Q Khadar Awrliq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.