Khasaaraha Dagaalka Gaalkacayo

0

Gaalkacayo(sayruuq)- Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday, tiro 30-qof ku dhowna way ku dhaawacmeen Dagaal ka qarxay mar kale magaalada Gaalkacyo ee badhtamaha Soomaaliya. Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ayaa imanaya iyadoo shalay heshiis nabadeed la kala saxeexday

Dagaallada u dhaxeeyay ciidanka laba gobol oo ka tirsan Soomaaliya – Puntland iyo Galmudug – ayaa waxay barakiciyeen in ka badan afartan kun oo qof.

Waxaa jiray muran qabaa’ilka u dhaxeeyay labada dhinac oo muddo dheer soo taagnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Arbacadii oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, oo uu sheegay inuu ka tarjumayo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta.

Maamulada GALMUDUG iyo Puntland oo VOA la hadlaya ayaa labadaba midba midka kale ku eedeeyey dagaalka iyo inuu jebiyey heshiiskii shalay la gaaray.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saraay ayaa sheegay in waqtigii isla xisaabtan la’aanta uu dhammaadey, islamarkaana maamullada Galmudug iyo Puntland ay qaadaan mas’uuliyadda dagaallada ka soo cusboonaaday Gaalkacyo.

Dagaalkan ayaa la rumaysan yahay inuu qayb ka yahay mushkiladdaha xuduudaha federalku u keenay Somalia, waxaanay labada dhinac ku muransan yihiin xuduud dhulleed oo dhinaca qabaa’ilka ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.