Khaladaadka Siyaasadeed, ee Xisbiga Wadani

0
Cali Xasan Cawaale.

Khaladaadka Siyaasadeed, ee Xisbiga Wadani, Waxay markastaba Fursad u noqdaan Dhigiisa xisbulXakiimka Kulmiye, iyo Xukumadiisi.
Cali Xasan Cawaale.

Sida Runta ah marka ay jiraan laba dhinac oo loolamaya, sida xisbi mucaarid ah iyo mid xukuumi ahi, Waxan shaki ku jirin, in khalad kasta iyo ilduuf kasta mid yar iyo mid weyn oo siyaasadeed, oo ka dhaca dhinacyada lolamaya in uu noqonayo, mid fursad u ah dhinaca kale ee ay is hayaan. isla markana dhinaca ilduufay, lagu gawraco khaladka ama ilduufka uu sameeyay.

Hadii aan halkan hoose si koban ugu cadeeyo khaladaadkas, iyo ilduufyada siyaasadeed ee xisbiga wadani, sameeyay isla markan fursadaha u noqday xisbiul xakimka iyo xukuumadiisa kuwan hoose aya ka mid ah.

1 . Waxa dhacday in doorashadii Madaxtooyada kadib, Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, ku dhawaaqay, in la bedelo komishanka doorashooyinka, kuwas oo mudo xileedkoodi ka hadhsanayd laba sano. sidoo kale xisbiga mucaaridka ah e wadani waxa uu sheegay in aanay marnaba galayn doorashadii barlamanka iyo degaanka ilaa inta laga bedelayo xubnaha komishanka.

Arrintan oo aanay la qabin Xata xisbiga mucaaridka ah ee ucid.

Sidoo kale Xisbiga Wadani waxa uu ka horyimid wakhtigaas, Aragti siyaasadeed oo waxtar weyn u lahayd labada xisbi mucaarid taas oo u soo dhigay xisbiga mucaaridka ah ee ucid, aragtidaasi waxay ahayd , in bedelka komishankan an wakhtigisi dhaman ay ka wacantahay in laba xubnood oo asxabta mucaaridka ahi leeyihiin lagu kordhiyo, komishanka tirada xubnaha komishankana laga dhigo 9 xubnood arrintaasi wakhtigaas, waxay khasab ku ahayd Xisbul xaakimka kulmiye, Waayo suro gal umay ahayn in ay ka horyimadaan aragtidan xisbiga ucid madama ay ka horyimadeen tii wadani .

hadaba arrintan oo ka siyaasad ahaan uga waxtarbadnayd asxaabta mucaaridka tii uu xisbiga wadani qabay waxa diiday Xisbiga wadani, taasi oo dhinaca kalana noqonaysay in xisbiga wadani u lumiyay garabkii mucaaridka ee ucid.

2. Waxa kale oo iyana ilduuf weyn iyo khalad siyaasadeed oo dhabarjab ah ahayd oo xisbiga wadani aanu marnaba ku hor istaagin kuna qaban. arrimo badan oo sharciga baal marsan oo dalka iyo dadkaba ku dhacay, isla markaana ay ku kacday xukuumada iyo xisbigeeduba.

kuwaas oo aan ka xusi karo, Dhamaadkii mudo Xileedka golayaasha degaanada iyo barlamanka kaasi oo xukumadu kala rewbtay dalabkii mudo kordhintooda, isla markaana xukuumadu dalbatay kaliya in golaha barlamanka mudo kordhin loo sameeyo. halka gayashi degaanka ee dalka oo dhan wax mudo kordhin ah loo samayn, isla markaana aan la kala dirin ila maantana sharci daro ku fadhiyaan kuraasta. taasi oo ahayd sharci jabintii ugu weynayd ee ay ku kacdo xukumada iyo xisbigeeduba, balse aanu xisbiga mucaaridka ah ee wadani mar kaliya kama hadal kana hor iman, sharci jabintaa .

3.Mudo laba sano ah kadib wakhtigii xisbiga mucaridka ah dalbaday, bedelka komishanka, oo ahayd markii ay dhamaatay mudo xileedki xubnaha komishanka dorashooyinka aya Xisbiga wadani ogoladaay ogoladay heshiisna la galay xisbi xaakimkii, iyo xisbigii kale ee mucaridka ahaa, arrintii iyo so jeedintii xisbiga ucid, ee ahayd in laba xubnood logu kordhiyo xubnaha komishankee la so magaacabi doono.
Arrintani waxay ahayd mid wakhtigeedi seegtay, isla markaana aan sinaba usocon karin halkii ay martayna wa tii aan ogayn.

4. Magacabistii xubnaha komishankan cusub, waxa u xisbiga wadani , ka cawday laba xubnood, oo xukumadu magacday, sidoo kale waxa uu dib ula baxay xubintodii ay so magacaabeen.

Arrintan oo ah mid ay bulshadu iska weydinayso suaal ah,.
Waxa uu xisbiga wadani uga hadli waayay arrimo badan oo sharci jabin ah oo ay ku talaabsatay Xukuumadu, kuwasi oo ka cusla kana mihimsana labadan xubood ee uu mawqifka adag iska taagay kuna tilmaamay magacaabistooda mid sharciga bal marsan

5. Qodobka ugu danbeeya waa Dhawaaqa Maanta ee guddomiyaha.Xisbiga wadani ku dhawaaqay in aanay dalka Doorasho ka dhacayn ilaa la saxo khaladaadka ku jira xubnaha komishanka ee shalay la ansixiyay ayado ay ka maqantahay Xubintoodi.

Bal sual is weydii yay dan u tahay in aanay doorasho dalka ka qabsoomin? ma mucaaridka mise muxaafidka.

Shantan arrimoodba waxay ahaayeen ilduufyada iyo khaladaadka siyaasadeed. ee Xisbiga Wadani, kuwas oo uu afarta qodob ee horaba ka faaidaystay fursadna ka helay Xisbul xaakimku iyo Xukuumadiisa, halka qodobka shanaad ee u danbeeya

yahay Fursad wey oo uu ka faaidaysan doono Xisbul xaakimka iyo xukuumadiisa.

Dhanka kale Waxan halkan hoose ku eegi doona qodabada ah ilduufyada iyo khaladaadka siyaasadeed ee Xisbiga wadani sameeyay sida ay uga faiidaysteen dhigooda ay isku hayaan siyaasada.

Qodobka( 1) ee bedelada komishanka oo an wakhtigisi dhamaan ee ku koobnayd kaliya xisbiga wadani.
Waxa uu u saamaxay xukuumada iyo.xisbigeedaba in ay doorashadii golayaashu din u dhacdo, wana wakhti ka lumay xisbiga mucaaridka. halka sababtii dib udhacana eedeeda dusha lo saaray Xisbiga Mucaaridka, ee wadani ayadoo ay ku doodayan in wadani aanu donayn in u galo doorashada. sidoo kale waxay heleen xisbigi labaad ee mucaridka aha ee ucid kasi oo dhigiisi wadani la fahmi waayay cayartii siyaasadeed ee ay kaga gulaysan lahaayen xisbil xakimka iyo xukumadiisa.

Qodobka 2aad. in Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani uu ka aamuso ama aanu kaga hor iman sharciyada ay jabiyeen xisbul xakimka iyo xukuumadiisa, ee ah in goleyaal degaan mudo xiledkodi dhamaaday isla markaa aan loo kordhin ay sii fadhiyaan kuraasta.

Arrintaasi waxay dhirigalisay, in xukuumada iyo xisbigeedu ku dhiiradaan Sharci jabinta kale ee ay maanta ka cabanayaan Xisbiga wadani.

Qodobka (3 ) waxay xukuumada iyo xisbigeeduba kaga guulaysteen xisbiyada mucaaridka.ah kordhinta labadii xubnood ee komishanka, taasi oo ay heleen jaanis ay ku diidi karaan, halka mudadii hore ee la soo dhigay ayna haysan jaanis ay ku diidan balse Xaga wadani laga diiday kordhinta xubnahas uu mucaaridku heli lahaa .

Qodobka (4) Cabashada labada xubneed ee komishanka ee Xisbiga wadani ka qabo, oo noqonaysa ama.sual marka wadani leeyahay Wa sharci daro in lagu daro xubnaha komishanka labada xubneed ee tilmaamay, waxa isweydiin leh sidan uu arkayo sharci darada labadan xubnood, uguna haysto xukuumada, maxa u xisbigu ugaga hor imaan waayay, shuruucdii hore ee ay jabisay xukuumadu, oo ahaa kuwo ka.culus, labadan xubnood,
( Golayaasha degaanada ee bila sharciga ila maanta ku fadhiya kuraastii)

Qodabka (5 ) oo ah hadalkan maanta, gudoomiyaha Xisbiga wadani ku dhawaaqay. waxa uu isna fursad u yahay in xukuumada iyo xisbigeeduba ay helaan qiil iyo daliil ah in aan doorasho dalka ka qabsoomin, mudo korodh ku yimaada, xataa dorashada madaxtooyada iyo in eeda dib u dhacaas oo dhan dusha ay u saaran Xisbiga wadani. madama asagu yidhi dorasho qabsoomi mayso.ila la saxo xubnaha komishanka kuwaas oo shalay la ansixiyay, kaliyana ay ka maqantahay Xubintii xisbiga wadani. balse la ansixiyay xubnihii kale ee la so xulay.

Arrimahan aya odhan karaa wa ilduufyada iyo khaladaadka uu sameeyay Xisbiga wadani isla markaana fursad ay ka faiidaystaan u noqday dhigiisa ay isku hayaan siyaasada. sidoo kalana marwalba Xisbiga wadani ka dhigaysa in uu kali ku noqdo gagada siyaasada, isla markana xata u waayo Garabkii xisbiga mucaridka.ah ee ucid.

Gebogabo. Danta asxaabta mucaaridka ahi waxay ku jirta in ay qabsoonto dorashadu marka yaanay marmarsiiyo iyo ilduufyo u samayn Xukuumada iyo xisbigeeda oo marwalba ah ta dantu ugu jirto dib u dhaca doorashooyinka.

Wa aragtidayda shakhsi iyo tacliiqan aan ka sameeyay dhacdooyinkan.

Wa bilaahi tawfiiq.

Cali Xasan Cawaale.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.