Kenya Oo Wefti Culus U Diraysa Kismaayo

0
“Ma Ihi Muwaadin Somalia,” Aadan Barre Ducaale

Kenya Oo Wefti Culus U Diraysa Kismaayo

Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

“wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
BBCSOMALI

Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay.

Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.