Kenya Oo Eedaysay Soomaaliya

0
Somalia & Kenya Oo Warqado Is Dhaafsaday

Madaxtooyada Kenya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

War-saxaafadeedkan, oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaas oo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:

Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya; Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.

BBC.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.