Kenya Oo Dhul Soomaaliya Ah Dayr Ku Xidhatay

0
Somalia Iyo Kenya Oo Ku Dhaw In Ay Isku Dhacaan

Kenya Oo Dhul Soomaaliya Ah Dayr Ku Xidhatay

Maamulka iyo qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya dhismaha darbi la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso xudduudda labada dal. Wada hadallo ku saabsan dayrkan Kenya iskaga xidhayso Soomaaliya oo ku soo durkay gudaha Somalia ayaa fashilmay waxaana hawsheeda iska wadata dawladda Kenya.

Jimcihii shalay ciidamada Kenya ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday shacabka degaanka oo ka soo horjeeda darbiga la dhisayo. Dadweynaha is xilqaamay ayaa sheegaya in dhulkoodii ahaan jiray Soomaaliya hadda noqday Kenya kadib markii Kenya gudaha soo galisay darbiga.

“Wax badan baan tabanayna, dhulkan wakhti badan baan degenahay oo waa nalagu soo xadugbay. Kenya waxay samaysay in ay xuduudkeedii ka soo tallowdo oo ay u soo tallowdo degmada Balad Xaawo, badhtamaha Balad Xaawo ayayna dhisanaysa waxaana hadda maraysa 250 guri inka badan in ay gudaha Kenya galeen,” Sidaas ayuu yidhi nin ka mid ah dadka degaanka oo BBC-da la soo xidhiidhay.

“Maanta Barakac baan ahay, waxaan barakac ka ahay gurigaygii aan degana ilaa wakhtigii Siyaad Barre oo noqday gudaha Kenya, waxaanan alaabtii kaga soo qaatay gaadhi. Waxaanu dawladda Federalka ugu baaqayna in ay arrintan soo faro geliso haddii ay soo faro gelin waydo waxaanu u arkayna in baarlamaanka iyo xukumaddu na dulmiyayaan oo arrintayada ka aamusayaan. Hadda maalmo ka hor waxa la haystay Somaliland oo lagu eedaynayay Dp World baad qandaraas siiseen qandaraaska waa la soo celin kara laakiin, maanta dhulkayagii waa la qaadanaya dib dambena looma soo celinayo,” Sidaas ayuu yidhi ninkan reer Balad Xaawo.

Kenya Oo Dhul Soomaaliya Ah Dayr Ku Xidhatay

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay xiisada soo fara-galiso, isaga oo sheegay in sarkaakiisha Kenya sheegeen in amarka darbiga lagu dhisayo uu bixiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu beeniyay guddoomiyaha in ay jiraan dad falal amaan darro ka geystay Kenya oo ka tallaaba dhinaca xadka degmada Beled-Xaawo, isaga oo sheegay in Amaanka deegaannadaasi yahay mid sugan.

Kenya Oo Dhul Soomaaliya Ah Dayr Ku Xidhatay

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama ay hadal cabashada shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo oo sheegaya in dhismaha darbigan u soo gaadhay badhtamaha degmada boqolaal guryo Soomaaliyeed ahna gudaha u galleen xadka Kenya.waxaana muuqata in shacabka degaanka iyo dawladda Kenya loo kala dhex baxay sida uu sheegayo guddoomiyaha Gedo.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.