Kelmad uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ku Asteeyay Shakhsiyadda Xaaji Cabdi Waraabe

0

Kelmad uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ku Asteeyay Shakhsiyadda Xaaji Cabdi Sannadkii 2011
“Wuxuu iiga warceliyay weydiin aan u bandhigay”

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Xaaji Cabdi illaa maalintaan garaadsaday waan aqaannay, oo caaqil buu ahaa taliya oo odayaasha ku jira, laakiin is-barasho aanu is-baranno oo isaguna i aqoonsado, oo aanu talo isugu nimaadno markii la qaxay ayaan hore dul imid Celiyo, halkaasay deggenaayeen isaga (Xaaji Cabdi), bidhaan, ninkan taliyaha badda laga dhigay (Axmed Aw Cismaan) iyo rag doora. Markaanu meeshii nimi ayaa nala yidhi halkaa Xaaji Cabdi-Waraabiyo baa deggen reer Digirin, annaga oo laba gaadhi ah ayaan ku leexiyay. Xaajiga markaas ayaan is-baray anigu.

Aroortaa Xaajiga waan xasuustaayoo bahal muqumada oo farabadan ayaa na loo keenay. Aroortaa diif na haysay waa naga hadhay. Xaajiga inyar ayaanu wada hadalnay markaa. Xaajiga waan maagay weliba. Waxaan ku idhi “Saw Xaaji Cabdi-Waraabihii faqashta ahaa ma tihid? Maxaad soo doontay?”. Wuxuu yidhi Xaajiguna “Inan yar oo fadhfadhleeya, oo dab dad geliya, oo aan waxtarin baan soo arkaye, la soo wada baxye, ninba wuxuu taro waa la arki”. Markaa Xaajiga iyo suuraddiisa oo aanu wada hadalno subaxaas ayaa iigu horreysiiyay.

Laba cisho ka dib ayaan imi Cadaroosh, waxaana la qalqaalinayay, oo aanu ku heshiinnay in la sameeyo Guurtida, dhawr ayaa meeshaas joogay, oo ay ka mid yihiin Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Khaliif, waxa la yidhi waa in la doono Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo Madaweyn agteeda joogay iyo Maxamed Ducaale (Dhoolayare). Waxa sidoo kale la yidhi iyada oo Xaaji Cabdi la doono maahee, wax inoo soconayaa ma jiraan. Anigu waxa aan ka mid ahaa raggii diiddanaa in Xaaji Cabdi la doono, ee lahaa miyaanu Xaaji Cabdi kii faqashta ahaa ee Siyaad Barre la shaqayn jiray ahayn?. Sheekh Ibraahin baa igu yidhi innamo yaryar baad tihiine, dadka talo-qabeenka ah, dadkana wax u sheegi kara, waxna go’aamin kara, waxna arkaaya ha la doono. Maalintaana waxa la ii diray in aan Xaaji Cabdi doono, waan u tegay, wuxuu igu yidhi waan kaa daba imanayaa, maalintaana hadal islamaanaan gaadhine, waan daafay oo bari ayaan u socday.

Ka dib shirkii Madaweyn ayaa laysugu yimi, Xaaji Cabdi teendho yar oo meel waaba laga dhisay ayuu ku jiray, teendho ka dambaysana Siilaanyo ayaa loo dhisay. Meesha nabadgalyadeedana anaa haya. Markaan soo galay ayaan maqlay oday dhuuban oo gadhcas, oo hadal uun wada, oo la dhegaysanayo, waan galay meeshii mise waaba Xaaji Cabdi. Habeenkaas ayaanu Xaaji Cabdi is-barannay. Illaa waaberigii ayaanu is-garaacaynay. Taariikho badan ayuu ka sheekeeyeey illaa talyaanigii. Ha is khilaafina ayuu yidhi. Markii dambe ayuu na yidhi waaryaadheheen innamadiinnan kornaylada ah baan sheegayaa, kursi baad doonaysaane, kursiga meel ma idiin dhignaa? Idinka ayaa aayaha leh, annagu da’ baanu nahaye markaanu gabawno waxaa nagu filan odayga soo daaya iyo adeer iska warran. Xaajigu wuxuu ahaa ninkii ugu macquulsanaa ee taxliisha arrinkaa waday, waayo raggii ay arrinkaas wada wadeen wuu ka wada af-tahansanaa, laga yaabaa in ay ka talo-aqoonsanaayeen, ama ka heli ogaayeen, laakiin wuxuu haybad u leeyahay in uu dadka jeediyo markuu doono.

Laba cisho ka dib markuu shirka joogay, Xaajigu wuu na qabsaday, wuxuuna naga sameystay, Xaajiga, Xaajigu muxuu yidhi? Xaaji, Abti, Adeer, Xaaji. Laga bilaabo maalintaa waxaanu Xaajiga lahayn wadashaqayn toos ah, oo arrin kasta oo Somaliland khusaysa halgankeedii, xorriyaddeedii iyo nabaddeeddii illaa maalintaa Xaajiga ama waanu isu soo gudnaa, ama taleefanka ayaanu ka wada hadalnaa. Wixii khilaafa ee jira waanu kala war helnaa. Waa muddo aad u dheer. Wax badan baa na soo dhex maray.

Kaftankii ugu quruxda badnaa ee Xaajiga na dhex maray ayaan kuu sheegayaa, markii uu geeriyooday AHN Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, ee uu Xaajiguna u sharraxnaa Guddoomiyenimada Guurtida, ayaa Xaajiga oo wada olole aanu ku kulannay Ambassador Hotel oo lagu qabanayay shir UCID leeyahay, anigoo in badan mucaarid ahaa. Markaasaan ku idhi, Xaaji berigii halganka waxaad nagu odhan jirtay idinkaanu dalka idiin xoreynaynaaye, sawdinkaa idinki albaabbada naga furi la, ee askarta is-hordhigay , Sheekh Axmed Sheekh Nuuxna maalin dhawayd ayuu i jiidhi gaadhay isaga oo gaadhi wayn saaran, adeer kursigu ma xanuun kulul yahay? Kkkk Haa, ayuu yidhi Xaajigu, laakiin annagu wixii naloogu taliyo waanu yeeli, oo haddaad jooga tidhaahdaan waanu idin maqli.

Xaajiga dhawr shay oo aanu Ilaahay dadka wada siinnin ayuu siiyay, sida caafimaad iyo cimri dheer, xusuus qayru caadiya, af-tahamo qayru caadiya, dadka in isla heshaaba way yar tahay. Nin boqol jira oo caawa haddaad waraysato kaaga warramaya beriguu dhallinyarada ahaa. Xagga af-tahamada sida yarkan Maraykanka qabsaday (Obama) oo kale weeye ee ay yidhaahdaan waa saaxir. Xaajiga haddaad doontaan is-haya, dooddaadana soo dhiso, soona qoro, wuu ku jeedinayaa, waa mawhibo qayru caadiya. Meel adag buu qabsaday xagga nabadda, markuu illaa yaraantiisii saamaxay ninkii aabbihii dilay, ee uu leeyahay colaadi waxba kuuma taraysee nabbada ilaaliya. Berigii dagaallada marka la yidhaahdo Af-weyne ayaad la shaqan jirtay, wuxuu odhan jiray ninkii nabadda wax ka tara ayaa colaaddana wax ka tara, waanu kaga dhabeeyay dagaalka. Oo iyadoo innamadiisa midi SNM ku dhintay, midina dagaalladii sokeeye ku dhintay, midina xanuunsaday ayaan ax laga dareemin. Qaar dhib yari gaadhaa ku wareerinaya. Taasina waa karti Ilaahay Xaajiga siiyay”

7.1.7 Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyeha Xisbiga KULMIYE
17/Julaay/2011, Hargeysa
Sidiiq Maxamuud Gaheyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.