Keating Oo Ka Hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Wakiilkii Hore Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsana Soomaaliya Waxa Uu Fogeeyay Rajada Laga Qabo Soomaaliya Oo Ciidamada Shisheeye Ka Baxaan

0
Keating Oo Ka Hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Keating Oo Ka Hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo
Hargeysa(Sayruuq) Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsana Somaliland iyo Somalia Danjire Michael Keating ayaa ka hadlay aragtidiisa mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo baarlamaanka hor yaalla iyo goorta ay suuro gal noqon karto in Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo ammaankeeda la wareegto.

Michael Keating oo bishii October ka tagay xilka ayaa telefishanka Jarmalka waxa uu u sheegay in mooshinnada Soomaaliya yihiin suuq xaammi ah oo lacago la isku dhaafsado “U qaadida Codka kalsoonida(Mooshinta) laftiisu maaha astaan tilmaamaysa xasillooni darro. Waxaynu aragna dalal kale oo Mooshinno la keenayso sida Ingiriiska oo ay todobaadkan ka dhacday laakiin, kiiska Soomaaliya, nasiib darro waa astaamaha suuqa siyaasadeed ee dalka, kaas oo caan ku ah heshiisyo xeeldheer iyo gacmo is dhaafsanaya lacago badan oo meel ay ka yimaaddeen aan la garanayn,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating.

Keating oo ka sii hadlaya mooshinka Farmaajo waxa uu sheegay in inta badan ay sababan mooshinka damacyo salka ku hayo qabaa’il iyo in awoodda la kala maroorsado “Waxaan tuhunsanahay in Madaxweynuhu ka badbaadayo xil ka xayuubintan. Waxaan u soo taagna saddexdii sano ee aan halkaas joogay mooshinno ka dhan ah ra’isal wasaareyaal iyo madaxweyneyaal,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating oo sheegay in loo baahan yahay in siyaasadda Soomaaliya loo sameeyo sal adag oo xasilloon, islamarkaana shuruucda la raaco inkasta oo uu sheegay in taasi wakhti qaadanayso.

Michael Keating oo la waydiiyay xilliga ay suuro gal noqon karto in Soomaaliya la wareegto ammaankeeda waxa uu sheegay in taasi qaadan karto toban sannadood “ Waxay ila tahay taasi in ay si buuxda dhacdaa in ay qaadan doonto 10 sanadood ama jiil(decade or even generation),” Sidaas ayuu yidhi Michael Keating oo intaasi raaciyay in arrinta ugu weyn ee hore loogu socon kara tahay in Soomaalidu la wareegto ammaankooda waxaanu sheegay in aanay cidna dani ugu jirin qaska Soomaaliya haddii ay tahay dalalka dariska, Yurub, Maraykanka iyo Khaliijka guud ahaana ay dani ugu jirto Soomaaliya oo nabad noqota.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.