“Kalmadda Madaxweynuhu Haamadda Ayay I Jartay,” Prof Cabdi Cali Jaamac

0
Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Laga Sugayo

“Kalmadda Madaxweynuhu Haamadda Ayay I Jartay,” Prof Cabdi Cali Jaamac
Laba Walba Isa Saarayoo, Laba Tagoogood Marna Isma Saarin; Joog Caadi Ah Ayaynu Ku Duulaynaa immika’e ee Taqaarabuu, Waa Halkii Tabliiqiyiinta’e.

Aad baan u soo gaagaabinayaa; caawa waan iska dhammaynayaa; faah-faahinta buuggaa kala socon doontaan, in kastoo ay jiraan dad leh iska dhaaf buuggaas; waynu u talo badsan, Inshallahu.
Waxan sitaa Plan A iyo Plan B; waxan ku idhi : M/weyne, aniga maxaad iga damacday; ku ye: Halkaagaa joog; anna; ma Dg-ga ; ku ye: Haa, Anna: Umabaan daban; macnaha uma fadhiyin tan; maxaa yeelay, waxan isku ogeyn in uu ii dhiibo meel aan ummadda wax uga qaban karo; haddii kale aan bannaanka iska joogo, illaa inta uu meel ii helayo; maxaa yeelay, tan isagu imuu siin, ee waa booskii Siilaanyo i siiyay; ee waliba aan isaga u sadqeeyay; ileyn xagga ilaahay iyo gobonimada Xirsi uun buu ku fakadaye!!!

Anigu marksata waxan leeyahay Madaxweyne, isagu mar kaliya iigumuu yeedhin xataa magacayga; markaan laba jeer idhi M/weyne arrintan uma fahdiyin, ayuun bay ka soo booday kalmad runtii haamadda i goysay, oo aanan ka filayn; ku ye: dee haddaba INA KALA KAXEE!!!!!!!!!!; ma boodine, intaan gacanta qabtay ayaan idhi, mayee, M/weyne ka daa, talo ka fiican baan kuu hayaa; intuu yaabay/isla yabay ayuu yidhi: maxaad haysaa, iska daa xanaaqayga oo; waxba ma leh madaxweyne ayaan idhi, laakiin runtii waan go’sanahay, oo kalmaddu dhulkay ila jartay!!!

Xaaladda la i leeyahay ina kala kaxee; idiinma sawiri karo; waxa halkaa soo fadhiya Cabdirashiid yare (Dg-ga i beddelay) oo ahaa ninka ay wataan kooxda khaayimiinta ee reerka ahi (qolada attooraha ka soo horjeeda;kkkkk); noloshu waa filim; yaa u yeedhay; bal garo; ballanta anigaa lahaa; miyaa loogu talo galay!!! oo dhoosha layga tusayay!!!!. Runtii, yarka, adeer baan u ahay; waa jufada aan magta wada bixino; waxba uma haysto isaga; waxay ahayd sheeko khaayimiintu wataan; waanan garanayay maalintii aan xilka iska casilayay in yarku imanayo!!! Filimka ayay ka mid tahay in attooraha mar dhexe laga yara adkaado; anigu yara dheg weyn baan dhinac ka ahayoo, shaw khaayimiitu waxay ogaadeen hortay in yar- yarka la qoranayo oo wax laga dhigayo; xataa shaw qaar baa caruurtooda u geeyay M/weynaha; anna waxan lahaa war midhkan yar maxay kaa daba wadaan, miyaanay ragga waaweyni xishoonayn; shaw yaryarkaa la doonayaa!!!. sax bay ahaayeen!!!.; aniga laftaydu waan ogaa in Muse yarka hoosta ka wato; laakiin umay suuragalayn in uu igu beddelo, illaa aan iska tagay; maxaa yeelay wuu ogaa in aan anigu ahay attoraha ; khaayimiintana way is yaqaaneen!!!!!; laakiin runtii way i sigeen; isaguna wuxu u isticmaalay inuu gor-gortankayga hoos ugu dhigo!! maan moodayn in dadka daacadda kuu ah lagu isticmaalo tactics-kaa aadka u liita!!!!!

Plan A socon waa, waxan la soo baxay Plan B; waxan idhi: M/weyne, waxan hayaa xal; ku ye: soo daa; anna Idhi: Mweyne aan kuu keeno nin Dg aad ka dhigto oo reerka ah, anna aan bannaanka iska joogo, illaa inta aad ii helayso wixii aan doonayay; waxan hoosta ka lahaa, hadduu doono yuu waligii kuu yeedhin!!!! talaw yaa ka saara baddan aad gashay!!!. Intuu kor u booday, ayuu yidhi isagoo cod dheer ku leh: aqoontii miyuu leeyahay; miyuu ii qabanayaa shaqadii aan ka rabay; anna: M/weyne, waa nin aqoonyahan ah, ha ka warwarin, kuma caamaynayo!!!!

Intay maskaxdiisii xoog u wareegtay, sidii wax aan filayn fallaadhaa, ayuu gilgishay; ku ye: Ka daa Cabdaw (ma hubo inu magacayga markaa uu iigu yeedhay), laakiin si qabaw oo sidii hore ka laddifan ayuu bilaabay inuu iila hadlo; ku ye: mayee ka daa, waxu galay sheeko kale, oo ahayd tii i nagaysay ee taladaydii beddeshay; buugga ayaan ku faah-faahin sheekadaas, haddii kale way innagu dheeraanaysaa; caawa waxan rabaa in aan iska soo gabagabeeyo.

Iska joogay; wasiirkii cusbaa; answer-ba wuu iga qaadi waayay; si walba waan isku dayay in aan caadi isku noqonno; wallay ka tahay; oo ma u jeedaaba; agaasime waaxeedyada ayuu iskala shiraa; aniga waxba ima waydiiyo; anigaa subax kasta ku kallaha si aan warbixin u siiyo; laakiin ma xiiseeyo; war xagay salaaddu ka xidhmi la’dahay!!! Illaa odaygu maalintii danbe ila soo hadlay; maalintaas baan gartay inuu isna ku yidhi intii uu igu yidhi!!!

M/wyenuhu telefanka wuxu igu yidhi intii aan hore u sheegay ee mareexaanaynta; waxa dheerayd oo kale, inuu yidhi waxa i horyaalla documenti aad saxeexday; waxaad saxeexday meeshii wasiirka; waa danbi; ma garanayo goortuu maxkamad noqday; anna idhi: M/weyne, haddii wasiirku i ashkateeyay, wax dhacay ba ma ogiye, dee xukunka intaanad ridin, miyaanan xaq u lahayn in aad anna i dhegaysato; ku ye: caddaymo igu filan waan haystaa; telefoonkiina wuu dhigay; Mubarak ayaa khadka xidhiidhinayay; marku Tel-kii go’ay ayu Mubarigna raaciyay: wax baa ka dhacay!!!

Mubarak baan dib u garaacay; waxan waydiistay inuu igu xidho; wuu igu xidhay; anna: M/weyne ballan baan u baahanay; ku ye, si aad u jilicsan: bal laba cisho iga maqnaw; Mubarik baan haddana dib u garaacay, waxan ku idhi ballantii waad aragtaa, miyaan iska imaadda laba cisho ka bacdi, mise saacadda adaa ii soo sheegi, iyo anigaa kuu soo sheegi; waxay ahayd maalin sabti ah, illaa arbacadii ayaan garaacayay Mubarik (ballantu waxay ku beegmaysay Salaasada,laakiin AHU Xildh Ibrahin Kacan ayaa dhintay) si uu iigu sheego saacadda, illeyn ballanta waan haystaaye; messages baan ku waalay iyo telefon intaba; Mubaarik baan guux iyo gariir ba ka waayay; arrinta iga yaabisay waxay ahayd, waa markii iigu horraysay ee Mubarik telka iiga soo jawaabi waayo ama messages-ka tan iyo maalintii uu M/weyne Muse isku kaaya xidhay!!!!; waliba si deg-deg ah oo fiican ayuu iigu soo jawaabi jiray had iyo jeer; oo waliba ixtiraam leh; Arbacadii ayaan iska tegay Madaxtooyada; Mubarik ma joogo; mid yar oo kale oo joogay ayaa igu yidhi: ma jirto wax naloo sheegay!!!

Documentiga aan saxeexay ma garanayo; waayo, waxay ahayd M/weynuhu inuu i waydiiyo in aan saxiixa leeyahay annaga oo is hor fadhina; waayo muu aqoon saxiixayga; waana la i foorjari garyan karaa; laakiin markii aan fikiray wuxu ahaa (haddii saxiixaasi aniga yahay) mashruuc aanu wada galnay hay’adda UNFPA oo lacagtiisu dhammayd $54000. Haddii ay taas tahay,heshiiskaas anigaa u saxiixay wasaaradda; lacagtiina way soo dhacday; Dg-guna wasaaradda wuu u saxiixi karaa heshiis, inkastoo protocol ahaan ay tahay inuu wasiirku saxiixo; laakiin sheekada mashruuca ayaa ka horreysay wasiirka, markaa degdeg baa saxiixa loo rabay; isla maalintaas ayaa la rabay; inamada hay’adda ayaa i dul taagnaa; wax baa iyagana ka dhacayay; bahalkuna aad buu u soo jiiitamay oo wuu raagay; markaa ma garanayo wasiirku ma tel-kuu iga qaban waayay, anigaa wasaaradda u saxiixay; Wasiirkana copy-giisii ayaan siiyay isla markiiba, waanan u sharxay; markaa wali xafiiska lamuu qabsan; qiyaastii waa bishii hore ee la soo magacaabay; Lacagtiina way noo soo dhacday; maalintii aan ka tagay wasaaradda waxa ka baxay lacagtaas $3800 kaliya; waxana ila saxiixay wasiir Cawaale; intii kale oo dhan $50,200 waxan kaga tegay account-ka wasaaradda, xil-wareejintiina waan ku daray.

Waxan ugu maleeyay in document-ku kaa yahay maalin buu wasiirku igu yidhi isagoo sida documentigaas: Mr Dg, halkaas anigaa ku qoran saxiixa, ee maxaa dhacay; runtii anigoon u jawaabin ayuu igu yidhi, intii kor u booday: iska daa waaban kuu xil saaran karaaye!!. tani waa sababta xil wareejintii aan carabka ugu adkaynayay isagoo wasiirku fadhiya in aan wax musuq ahi ka dhicin meesha, ee wax kasta aanu isla ogeyn aniga iyo wasiirku; runtiina wuxu ahaa mashruuca kaliya ee intaan meesha joogay soo galay; mashaariicda kale way iga wada horreeyeen aniga; miisaaniyadda xukuumadda Musena mushaharka oo kaliya iyo dhawr item oo kale ayaaba la ogolaa bilihii hore ee sannadka ee aan joogay.

Taasi igumay waynayn oo waan is hubay in aanan waxba isweydaarin, laakiin ta i damaqday waa hadalkii uu igu yidhi M/weynuhu ha u qabyaaladayn wasiirka; Haddaba bal car wasiirku ha ka yar sheekeeyo sidaydan oo kale fal ama qawl qabyaaladeed oo aan madaxweynaha ka xigsanayo!! in aanay jirin baa wallahiya!!; waligayo mar baan soo hadal qaadnay labadayadu M/wynaha ; macnaha wax waxaas u eg; maalintaana isagaa soo hadal qaaday; annagoo iska sheekaysanayna oo hawl hayna ayuu igu yidhi : oo ileyn Cabdaw waad is taqaaniin M/weynaha; anna: oo maxaa dhacay?; maalin dhawayd buu igu yidhi: saw Cabdi Cali kulama joogo; anna; intaan filimkiiba is dhaafiyay baan ku idhi: waa xisbigii iyo waxaase, dabadeedna hadalkaygii kale ayaan iska sii watay!!!!; waa la yaqaanaa khilaafka Wasiirka iyo Dg-ga, ma qarsoomo; waa kuwii yaabay madaxdii wasaaraddu; ileyn mabay maqal khilaaf dhacay’e’; dee horta ma jiraaba; haddii laga tagi waayo maalintaa uu ii ashkateeyay qodob baa jira uu yara dhibsaday; waxan la soo hadal qaaday mashaariicda SDF-ta, taasoo uu iigu jawaabay: ka bax hawshaas, M/weynaha ayaanu ka wada soconaa hawsha SDF ta’e.

Waa kuwii yaabay madaxdii wasaaradu; ileyn wax khilaaf ah oo dhacayba ma jiree!!!!!; taasi waa sababta maalintii xil-wareejinta loo diiday warbaahinta; yartayda ayaa mobil ku duubtay; many thanks to her; in aan sidaa ladifan u hadlana waxa igu kallifay wasiirka oo i baryay oo igu yidhi: maanta i astur!!! Markaa anigu runtii kiiskayga umaan arkayn in Cawaale ka yahay wax wayn!!! Markaa kumaan sii tiigaalin; igaba dhan!!!

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.