Jawigii Gobollada Dalka ay uga Qabsoontay Munaasibaddii 18-ka May

0

Hargeysa (Sayruuq)-Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa si ballaadhan looga xusay munaasibadda 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland oo magaaladda Burco lagaga dhawaaqay 18-kii May 1991-kii.

Haddaba sidii goboladda dalka looga weyneeyay munaasibaddan waxa warbixinno kala duwan nooga soo diyaariyay weriyeyaashayada kala duwan. Waxaanay warbixinadaasi u qornaayeen sidan:-

Magaaladda Burco

Madaxda Qaranka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa shalay si wayn ugu debbaal degay 24 guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland.

Xukuumadda, Asxaabta qaranka iyo maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa si wayn ugala qayb galay dadwaynaha reer Burco, waxaana munaasibadda ka qayb galay Wasiirro uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Jaamac Cabdilaahi Biin, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Maamulka heer gobol iyo degmo ee Togdheer iyo Burco iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Shacbiwaynaha ku dhaqan magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa xuska iyo debbaal degga maalinta qaran waxay halku dhig ka dhigteen “Qarannimada dalkayga doodi kama furna”

Masuuliyiinta qaranka iyo dadwaynaha Burco oo markii ugu horraysay isugu soo baxay Garoonka diyaarahada ee magaalada Burco halkaasoo loo asteeyay in ay reer Burco ku debbaal degaan ciidammadda qalabka sidaana salaanta qaran ku bixiyaan waxaa ugu horrayn halkaa ka hadlay Maayerka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “18 ka May waa maalin bulshada reer Somaliland kaga taalla wadnaha iyo halista oo ay meel uga soo wada jeedaan, garoonkaa diyaaradaha ee aynu maanta(shalay) xuska ku qabanay waa dhulkii aynu ugu nimi raggii muaajihidiinta ahaa ee dalkan xorriyaddiisa u soo halgamay meydadkooda waxaanay astaan lama ilaawaan ah u tahay qarannimada Somaliland.”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ka dareen celinayay halkudhigga ay bulshada reer Burco ku debbaal degayeen iyo sida ay u tahay mid aan ka noqosho lahayn,ayaa yidhi: “Qarannimada dalkayga doodi kama taagna waa farriin aynu u dirayno Soomaaliya iyo beesha caalamkaba taasoo ah in aanay qarannimada Somaliland ee 24jirsatay gor gortan gali karaynin isla markaana aanay ummaddani dib uga noqonaynin cid dib uga celin kartaana aanay jirin”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in 24 guurada maalinta Qaran ee la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada Somaliland in ay astaan u tahay jiritaanka qaran wada jira oo isku tashaday waxaanu tusaale horumar u soo qaatay dhismaha madaarka Burco ee shalay munaasibadda lagu qabtay oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay iyo derajooyinka ciidammadda oo uu tilmaamay in ay tahay guul qaran oo lagu dhiiraday. “Maanta oo aynu u debbaal degayno sanad guuradii 24 aad ee la soo noqoshada Qarannimadda Somaliland waxaynu maraynaa halkii ugu wanaagsanayd waxaa horumarka dalka ka marag ah madaarkan aynu maanta(shalay) ku qabanay xuska dib u dhiska balaadhan ee laga hir galiyay intii xukuumadda KULMIYE talada haysay waxaa sharaf iyo guul qaran ah oo dawladnimadeena dhammaystirtay ah derajada ciidammadda oo xukuumadda maanta joogtaa ku dhiiratay waad arkaysaan ciidankeenna debbaal degga inagala qayb qaadanaya sharafta ciidan iyo derajooyinka ka muuqda.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaaisabadda 24 guurada maalinta qaran kala qayb galay shacbiga magaalada Burco,ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in bulshada reer Somaliland is garab taagto ciidammadda oo ay ogaadaan ragga difaaca dalka heeganka u ah waxaa kale oo uu farriin u diray siyaasiyiinta dibad meerka ah ee u dhashay Somaliland oo uu kula taliyay in ay xaqiiqada u soo noqdaan dalkoodana cafis ka dalbadaan oo xumaanta iyo xaasidnimada ka soo noqdaan isagoo ugu dambayna dawladda Muqdisho farriin adag u diray.

“Walaalayaal waa in Ciidamadeena aynu garab istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa walaalayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiiri galiyaa. Walaalayaal Ragga(Ciidanka) inoo heeganka ah ayaan salaan u dirayaa inta aynu innagu halkan habar-habarta isku haysanno” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Aduunku dhakada ka saaray Caruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jirnay iyo inaynu qaran ahaan jiray, oo aan garanayn inaynu halgan galnay, oo in la ina xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubaddii gobolada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa inagoo halganka ku jirna, waxay inoo haystaan in inaga iyo Garbahaaray isku mid nahay, inaga iyo Garoowe, Kismaayo ayay ina simayaan. Walaalayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa xukumada Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda inagay inoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland hala soo qabto, Garoowe may inna qaban kartaa walaalayaal? Waa maya,”. Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ugu dambayn waxaa uu waano qaran u soo jeediyay dhalinyarada reer Somaliland isagoo farriinna u diray siyaasiyiintda debad meerka ah “Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay. Cali Khaliif-na waxaan leeyahay xaasidnimada ka soo noqo oo toobad keen xumaantaa ha ku dhiman e.”

Waxaa kale oo guud ahaan debbaal degga 24 guurada maalinta qaran ee magaalada Burco si weyn uga qayn qaatay guud ahaan dadwaynaha magaalada Burco ardayda jaamacadda iyo dugsiyada kala duwan shirkadaha ganacsiga iyo hayadaha dawladda iyadoo qurxuda debbaal degga Burco ay sii laban laantay goobta lagu qabtay oo ahayd garoonka diyaaradaha oo roobban xilliganna doogga iyo manka soo baxay hareeraha ka xigeen iyo ciidamadda qalabka sida oo gaaddo ka ciyaar aad loo jeclaystay ku soo bandhigay halka ay dadwayhaya qaar kaga qayb qaateen fardo lagu soo heenseeyay calanka Somaliland.

Ceerigaabo

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa si weyn looga xusay maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beegan sannad-guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 1991-kii.

Munaasibadan xuska maalinta qarannimada Somaliland oo lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee Daallo Staduim, iyadoo ay si mugleh uga qayb qaateen hay’addaha laamaha dawladda, ururrada bulshada iyo shacabka magaalada Ceerigaabo oo ku lebisan calanka saddexda midab leh ee Somaliland iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ka turjumaya sida qarannimada iyo madax-banaanida Somaliland ay muqadaska u tahay. Waxa sidoo kale goobtaas socod gaardis ah ku soo bandhigay ciidamada booliska, asluubta iyo milateriga.

Waxaana munaasibadda 18-ka May dadweynaha reer Ceerigaabo kala qayb galay masuuliyiinta maamulka gobolka, maamulka degmada iyo maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland.

Waxaana ugu horeyn halkaas dadweynaha kala hadlay maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, waxaanu yidhi. “Waa maalintii qaranka anigoo ku hadlaya magaca golaha deegaanka waxaan aad ugu mahad-naqayaa degmada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ba, sida fiican ee ay dabaal-dega uga soo qaybgaleen, waxaan rajaynayaa cid alaala ciddii aynu aragno ee midnimadeena iyo danteena kasoo horjeeda inaynu ka midawno.”

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo isaguna la hadlay dadweynaha ka qaybgalay xuska maalinta qaranka ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Maanta waa maalin qaran waxaynu farriin u diraynaa caalamka oo ay ka doonayno ictiraaf, waayo waynu joognaa xilligii la ina ictiraafayay. Dadweynaha reer Sanaag waxaan leeyahay midnimo ayaa la inooga baahan yahay, maantana way idinka muuqataa midnimadaasi, anigana badhasaab ahaan si fiican ayaad iila shaqayseen waanan idiinka mahad-celinayaa.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno tiro badan oo isugu jira, salaadiin, waayeel, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween oo dhamaantood ku dheeraaday taariikhda maalinta lasoo noqoshada madax-banaanida Somaliland iyo muqadasnimadeeda.

Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan oo isaguna shacabka reer Ceerigaabo kala qayb-galay xuska 18-ka May ayaa ugu bushaareeyay in wadadii Ceerigaabo la gaadhsiiyay degmada Ceel-afweyn. “Maanta runtii anigoo ku hadlaya magaca wakaallada horumarinta waddooyinka Somaliland farxad weyn ayay ii tahay inaan kala qayb qaato shacabka reer Ceerigaabo oo runtii mashruuca ugu weyn ee aan dhabarka ku sito, iyaga aan u sido xuska 18-ka May, waad aragteen haddaad tihiin reer Ceerigaabo ballantii ay gashay wakaalladayada horumarinta wadooyinku ee ahayd waxaanu dhammayn doonaa 100 km muddo sannad ku siman, waxaan u malaynayaa maanta anagu waanu kasoo baxnay, wadada oo laga bilaabay Ceerigaabo sida aad aragteen Ceel-afweyn ayay afka la gashay.

Boorama

Shacabka ku dhaqan Magaalada Booraama, ayaa shalay u dabaal degay xuska sannad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, waxaana fagaaraha khayriyada Boorama shacabka kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), maamulka gobolka iyo degmada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Salaadiin.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed ayaa shacabka ku dhaqan Boorama ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkaynta iyo midnimada Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Magaalada Boorama ama gobolka Awdal qori laguma aqoon ee qalin baa lagu yaqaanay, maanta qalankii qori loo bedeli maayo ee qalinkii baa la wadayaa kaasaana lagu xisaabtamayaa, Somaliland cadow bay leedahay mid guddo iyo dibad-ba ah wey leedahay oo gacan shisheeyee intaa daba socota, ,gacan shisheeyaa intaa doonaysa inay hoos u dhigto oo ay burburiso, gacan shisheeyaa doonaysa intaa inay had iyo jeer iska horkeento, gacan shisheeyaa doonaysa inay ka faa’idaysato. Aragtida aanu ka leenahay waxa weeyaan Ninkii maslaxda Ummadda Somaliland haya halkan ha yimaado halkanaa lagula xisaatmayaaye, Ninka gacan kale ka dambayso ee doonaya inuu Somaliland meel kale u jeheeyo ama uu burburiyo mid laga yeelayo maaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu

Guddomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shacabka Boorama kala qaybgalay munaasibada 18 May, waxa uu yidhi “Farxad gaara bay ii tahay inaan shacabka reer Awdal kala soo qaybgalo munaasibada maalinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, sidaad u xusteen maalinta qaranka ee 18 May waxay ka farxinaysaa shacabka reer Somaliland , waxaanay ka nixinaysaa cid kasta oo aan Somaliland jeclayn, waxaanay been ka dhigaysaa xantii maalmahan yara jirtay. Waxaynu u baahanahay maalintaa qaranimada ee Burco laga dhaliyay ee tiirarka loogu taagay Boorama in aynu wada ilaashano, Somaliland weynu wada leenahay, qaranimada weynu wada leenahay, dalka weynu wada leenahay qofna qof kama laha ee weynu wada ilaashanaynaa.”

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa u mahad naqay guddidii qaban-qaabada xuska 18 May ee gobolka Awdal waxaanu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa Guddida qabanqaabada xuska 18 May, Macalimiinta iyo Ardayada, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Ciidanka qaranka. Waxaan u mahadnaqayaa Wasaarada Cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta oo u dhabar adaygay taagnaashaha iyo kor u haynta boodhadhkooda, waxaanan mar labaad aad ugu mahadnaqayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Marwadiisa oo inagala soo qaybgalay xuskan qaranimada Somaliland ee 18 May.”

Sidoo kale Maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa shacabka Boorama u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu yidhi “In badan baa na inagu xamanayay doorkan tollow siday Boorama noqon doontaa, waxaad markhaati ka tihiin inay xantu meelaha dhexda ku eekayd oo kuwa inaga maqani aanay halkan waxba ka taraynin, jiritaanka Somalilandna cidna looma daba fadhiisanayo cid kasta oo nabadgelyada carqaladaynasa weynu ka hortagaynaa. Waxa aynu ka hadlaynaa ta aynu dhisanayn baynu adkaysanaynaa.”

Dhinaca kale Salaadiinta gobolk Awdal oo ka hadlay munaasibada xuska sanad guurada 24-aad dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18 May , ayaa shacabka ku dhaqan Boorama ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.

Berbera

Xuskii sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, ayaa si wayn looga xusay magaalo xeebeeka Berbera iyo dhamaan degaanada gobalka Saaxil, waxaana isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magalada Berbera kumanaan kamida dadwaynaha ku dhaqan iyagoo sitay astaanka qaranka waxaanay ku dhawaaqyeen weedho ay ku muujinayaan wadaniyada islmarkaana ay ku muujinayaan madax banaanida Somaliland.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee ka qayb qaadanayay dabaaldega ayaa isugu soo biyo-shubtay fagaaraha magaalada, waxaana goobtaasi hadalo uga soo jeediyay masuuliyiin uu hor kacayo wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland Md; Cali Jaamac Faarax (Buureed), masuuliyiinta gobalka iyo ka degmada Berbera, maareeyaha dekada Berbera iyo xildhibaano, Masuuliyiintaasi oo dhamaantood ka waramay taariikhdii ay ku timi maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May iyo taariikhdii iyo halagankii dhaqdhaqaaqii SNM.

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland Md; Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo dadwaynihii isku soo baxay fagaaraha khudbad u jeediyay ayaa hambalyo u diray shacbiga Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii Somaliland jirtay wax badan qabsatay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “waxaan idiin diraynaa hamabalyo, waxaan alle ka baryayaa in sanadkaa sanadkiisa aynu ku gaadhno guul iyo horumar, nabad iyo barwaaqo ku gaadhno. Waad og-tihiin oo waxa ka soo wareegtay 24 sanno gooni isku taagi Somaliland, wax badan ayay ku talaabsatay oo aduun badan kaga horaysaa ictiraafka illaahaybaa wax ictiraafa Rabbi ayaynu icraaf ka baryaynaa bini’aadan inooma hayo”.

Badhasaabka gobalka Saaxil Famhi Cabdi Bidaar, oo la hadalay dadwaynihii isku soo baxay fagaaraha, ayaa waxa uu yidhi “Ilaahay waxaan ka baryaynaa in ictraaf ay hesho Somaliland. Waxaan Alle ka baryayaa in sanadkaa sanadkiisa aynu ku gaadhno caafimaad iyo inagoo xora sidaas ayaan Illahay ka baryaynaa”.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan, oo isna khudbad u jeediyay dadwaynihii reer Berbera ee isku soo baxay fagaaraha ayaa hambalyo u diray bulshsada reer Berbera iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, “hamabalyo hamabalyo shucuur wanaagsan ayaad muujiseen, waxaynu maanta ku xusaynaa sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland, waxaynu leenahay oo aynu ku celinaynaa oo halku dhageenu yahay (Somaliland Dalkayga Doodi Kama Taagna).

Maareeyaha dekada Berbera Eng; Cali Axmed Cumar (Cali Xoor-xoor), oo halkaasi ka hadalay ayaa dhankiisa ku hambalayeeyay sida wadaniyada ee ay ugu soo baxeen xuska sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland 18 May.

Xuska sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay hayahada laamaha dowlada, shirkadaha gaarka ee ganacsiga, sidoo kalena waxa dhoolo tus dhinaca badda ah ka sameeyay ciidamada badda Somailand iyo kaluumaysatada gobalka Saaxil .

Laascaanood

Shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood, ayaa shalay u dabaal degay xuska sannad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, waxaana fagaaraha magaalada Laascaanood shacabka kala hadlay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, maamulka gobolka iyo degmada, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood

Dadweynaha reer Laascaanood ayaa waxa ay isugu soo baxeen fagaaraha wayn ee magaalada Laascaanood, iyadoo ay qayb waliba gaarkeeda isugu soo abaabushay sida ururada dhalinyarada, haweenka, Ciyaartoyda, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada, shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee dallada, waxaana sidoo kale doorkooda ka qaatay cuqaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, kuwaasi oo dhamaantood ba muujinayey shucuurtooda wadaniyadeed iyo sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb qaadashada xuska maalintan maamuuska leh .

Dhinaca kale waxaa xuska maalintaa shacabwaynaha reer Laascaanood kala qaybqaatay wasiiru dawlaha nabadeynta iyo horumarinta gobolada bari Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), maamulka gobolka ee heer degmo iyo heer gobol, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo, ciidamada qaranka, booliska iyo asluubta.

Waxaana dhoolatuska ka dib fagaaraha wayn ee badhtamaha magaalada la isugu yimid madal loo sii agaasimay, waxayna shacabwaynuhu ku soo bandhigeen gabayo, heeso, buraanburo, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo khudbado ku aadan qiimaynta maalintaa milgada lahayd ee 18 ka may.

Badhasaabka Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shidde oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey shacabwaynaha reer Laascaanood sida ay u muujiyeen maalintaa xusida mudan isagoo sheegay in uu muddo saddex bilood ah uu joogay gobolkan isagoo xusay in uu laba arimood xoogga saaray kuwaas oo ah xoojinta nabadda iyo abuurista iskaa wax u qabso si uu gobolkani uga soo kabto dibudhicii hore ee uu tirsanayey waana ku guulaystay ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Waxaa isaguna dhankiisa ka mahadnaqay maayorka degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac isagoo sheegay in isaga iyo golihiisa deegaankuba ay uga mahadnaqayaan sida aad nooga ajiibteen una muujiseen maalintaa ku wayn shacabka Somaliland dadaalkayaga waajibaad ahaaneedna aad noo garab istaagteen.

Ugu Danbayn waxaa soo gunaanaday wasiiru dawlaha nabadaynta iyo horumarinta ee gobolada bari Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) isagoo sheegay in uu guure ku yimid magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi “Xalay ayaan guure ku imi magaalada, saakana waxa ii muuqdaa ay tahay u bislaanta mamul si aad ahna waan idiinka mahadcelinayaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah ,buraanburada , gabayada, khudbadaha qiimaha leh.”

Magaalada Baligubadle

Magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka hawd ayaa si weyn looga xusay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May ,iyada oo ay xarunta gobolkaasi ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyna ah oo ku la bisan iskuna soo xardhay calanka Somaliland, waxaana dariiqyada socod gaardis ah ku maray ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Sidoo kale munaasibado waawayn oo lagu xusayo maalintan qarannimada Somaliland ee 18-ka May, ayaa lagu qabtay degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Hawd, kuwaasi oo ay ka mid yihiin degmooyinka Sayla iyo Balicabane, iyo weliba tuulooyinka kale ee Cunaqabad, Baargoo, Laanta Qaloocan iyo Kurxinta.

Munaasibadan dabaaldega maalinta qarannimada Somaliland ee lagu qabtay magaalada Baligubadle waxaa dadwaynaha kala qayb galay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, badhasaabka gobolka hawd , madaxda iyo maamulka dawladaha hoose ,dhalinyaro, cuqaal, waxgarad iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, iyada oo lagu soo waramayo inay xafladani ay aheyd mid guud ahaanba gobolkan nabadgaliyo ku soo dhamaatay

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ugu horrayn munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay maalintan xoriyada 18-ka May inaanay aheyn mid ku timid dhayal ee ay tahay mid ku timid dhiiga geesiyaashi Somaliland u huray naftooda iyo maalkooda waxaanu yidhi, isagoo arrimahaaska hadlaayana waxa uu yidhi “cidkastaaba maalinbay leedahay, maalintani waa maalin ku xardhan taariikhdeena ,waana markii madax banaanida dalkeenu inaga baxday ee inaga luntay ,dhab ahaana kama sheekeyn karo wixii aan goob joog u ahaa hase ahaate taariikhdaa qoreysa ,oo halgankani halgan aad u qaaliya ayuu ahaa ,halgan daacada ayuu ahaa ,halgan dadkii ku soo halgamay ay ahaayeen dad naftooda ka run sheegay ayay ahaayeen.”

Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed waxa kale oo intaas ku daray in mujaahidiinti u nafwaayay ay ku kala aasan yihiin guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxaanu yidhi’ “min gobol ilaa degmo ,gobolka hawd mujaahidiin u dhalatay maanta waxa ay ku aasan yihiin Saylac ,waxaay ku aasan yihiin Maydh meel u dhaw waxay ku aasan yihiin xeebta dhereren, waxaanay ku aasan yihiin gobolada dalka Somaliland oo dhan ‘’

Oodweyne

Munaasibada xuska sannad guurada 24aad ee qaraniamada Somaliland oo ku beegnayd maalinta 18 May ayaa waxa si aad u balaadhan looga xusay xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyneiyo iyo deegaanada hoos yimaada, sida Xaaji Saalax, Daba-gorayaale iyo degaano kale.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Oodweyne oo ay ka mid yihiin maamulka gobolka, xildhibaanada golaha deegaanka, cuqaasha, ardayda dugsiyada kala duwan iyo ururada bulshada ee ka dhisan degmadaas ayaa waxay socod damaashaad ah oo ay ku waynaynayeen maalinata qaranimada Somalailand ku soo mareen qaybo ka mida wadooyinka dhex mara magaalada Oodweyne.

Dadweynihii ayaa waxay isugu soo biyo shubteen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Oodweyne, waxaana halkaas hadalo ka jeediyay maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha dawlada ee ka hawl gala gobolkaas Daad-madheedh oo dadweynaha kala qayb qaadanaayay xuska maamlintaas.

Gudoomiyaha gobolka Daad-madheedh Md. Cali Cawil oo hadal u jeediyay dadweynaha fagaarahaas ku sugnaa ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay xukunka gacanta ku haysay xukumada dalka hadda ka talisaa ee uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mashaariic badan oo harumarineed laga hir galiyay guud ahaan gobolka Daad-madheedh, waxaanuu yidhi “Intii ay dalka ka talinaysay xukumadan hada jirtaa waxa gobolka ka hirgalay mashaariic aad u badan oo taabanaya dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada. Taasina waxay ku suuro gashay hogaaminta fiican ee madaxweyne Axme Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu dadweynaha guud ahaan gobolka ku ammaanay sida weyn ee ugu soo bexeen xuska maalinta qaranimada Somaliland, waxaanuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ammaan balaadhan ugu soo jeedinayaa dadweynaha ku nool guud ahaan gobolka Daad-madheed ee sida wayn ugu soo baxay maalinta qaranimada Somaliland oo 24 jirsatay.”

“Hadaanu nahay madaxda gobolka iyo dadweyaha oo gacan buuxda nagu siinaayay, waxaanu munaasibadan ugu talo galnay in aanu si aan kala hadh lahayn u waynayno oo aanu qiimeheeda siino xuska 18 may oo ah maalintii la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soamaliland.” Ayuu yidhi mar uu gudoomiyuhu ka hadlaayay sida ay u soo qaban qaabiyeen xuska 18 ka May ee sannad guurada 24aad ee qaranimada Somaliland.

Maayarka magaalada Oodweyne Md. Cabdiraxiin Nuur Muuse ayaa waxa uu sheegay in dawlad hoose ahaan ay si wayn u xuseen maalinta 18 may, maayarku waxa shacabka ku bogaadiyay sida fiican ee ay uga qayb qaateen xuska 18 ka May, waxaanuu yidhi “Waxaan shacabka reer Oodweyne uga mahad celinayaa sida baaxada leh ee ay ugu soo baxeen, xuska sannad guurada 24aad ee qaranimada Somaliland oo inagu taagan qiime aad u sareeya.”

Waxa xusid mudan in munaasibadan ay dadweynaha kala qayb galeen qaar ka mida fanaaniinta qaranka oo halkaas ku soo bandhigay qaab masrixiyadeed ay aad u jeclaysteen dadkii daawanaayay. Musaanibadan xuksa 24 guurada madax banaanida Somaliland ayaa waxay ku soo gaba-gabowday jawi aad u degan oo farxadi ku dheehan hatay guud ahaan gobolka Daad-madheedh, iyadoo ciidamada ammaankuna ay kaalin aad way ka qaadanayeen ilaalinta nabadgelyada.

Gabilay

Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabilay ayaa shalay isugu soo baxay ka qayb qaadashada dabaaldega 24 guurada maalinta qarannimada Somaliand ee 18-ka May, iyaga oo raxan raxa u maray gaado ka ciyaar.

Sidoo kale waxaa si wayn looga xusay maalintan qaranimada Somaliland ee 18-ka May degmooyinka gobolka Gabilay oo ay ka mid yihiin degmada Wajaale, Arabsiyo, Allay-baday, Agabar iyo Geed Balaadh, waxaana fagaarayaasha isugu soo baxay dadweyne ku gaadhan calanka jamhuuriyda Somaliland.

Caasimada Gobolka ee Gabilay oo ahayd goobta ay ka dhacday munaasibada ugu way nee sannadkan waxa dadwaynaha kala qayb galay farxada iyo dabaaldega maalinta qarannimada, xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka warshadaha Shucayb Muuse, Wasiiru-dawlaha wasaarada biyaha, Badhasaabka gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Maayarka Gabilay Maxamed Amiin Cumar Dheere, dhamaan masuuliyiintaasi oo goobtaasi hadalo ka jeediyay waxa ay ku dheeraadeen taariikhda iyo halgankii loo soo galay xorriyada iyo madaxbanaanida qarannimada Somaliland, waxaanay uga mahad celiyeen shacabka gobolka Gabilay sida ay isaga xil-saareen waynaynta maalintan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.