Jawiga Saaka Ee Golaha Wakiillada Somaliland

0
Jawiga Saaka Ee Golaha Wakiillada Somaliland
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Kadib markii maalmihii u dambeeyay guddida arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Somaliland kulamo la lahayd xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaranka waxa saaka la filaya in gole weynaha la hor keeno xubnaha cusub si ay u ansixiyaan.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la keenay xarunta baarlamaanka iyo Komishanka iyada oo la xakameeyay galaangalka wariyeyaasha laakiin, ma cadda in fadhiga Goluhu ku saabsan yahay arrintan maaddaama aan tafaasiil laga helin.

Muran culus ayaa ka taagan xubnaha ay baarlamaanku la kulmeen maalmihii u dambeeyay waxaana laba xubnood oo ka mid ah diidan xisbiga Waddani sida oo kale waxa la filaya in xubinta xisbiga UCID maanta iska xaadiriyo golaha inkasta oo xisbigu shalay ka kaxeeyay xarunta baarlamaanka.

Xisbiga Waddani ayaan la ogayn waxa uu ka yeelayo haddii la ansixiyo Komishankan iyada oo muddo dheer muran ka taagna Komishankii hore waxaanu xisbigu ku celceliyay in uu kacdoon shacab hoggaamin doono.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.