Jawaab qolo sheegatay xarunta xaquuqal iinsaanka oo ka hadalay odayaal u xidhan dil ka dhacay gobolka saraar dagmada caynabo .

0

Caynaba(Sayruuq)-Anagoo ah odayaasha beesha looge [reer yoonis] waxaan halkan kaga war bixinayaynaa niman kaa la sheegaayo oo isugu jira odayaashii ninka dilka gayistay ee ku gay istay jaleelo {caynabo} iyo kuwii qaaday caawiyay qarash gareeyay gacanku dhiig lihii dilka gayistay ilaa uu ka bax sanayay .
Waxaan cadaynaynaa in intoooda badan ay yihiin dhagar qabayaal dilkaa gacan ka gay`istay iyo kuwo ka taliyay sababta ay u xidhan yahay ay tahay taas iyo dilkaa fool xumada ah ee logula kacay MARXUUM MAXAMED AADAN JAAMAC .
Xukuumada Somaliland waxaan in mudo ka sugaynay in gacan ku dhiiglihii la soo qabto iyo cid kastoo ku luglahayd siday horeba balamo noogu qabatay oo aanay waxba ka qabsoomin. Anagoo ixtiraamayna sharciga iyo wada noolaasha labada beelood ilaa iminkana jawaab noo cuntana kama hayno haday tahay xaga dawlada iyo beeshii dhilka gaysatay , iyadoo taasi jirto ayaa hadana beeshii falka ku caday ay wax yaalo dhibka sii hurin kara oo ay ka mid yihiin hadalada ay Warbaahinta ku soo qoraan oo aad moodo inay u dhigan tahay xumaan abaabul ay ka midaysan yihiin beeshaa dhibka gaysatay hadaba hadaan nahay beesha dhibka loo gayistay inaanan u dul qaadan doonin hadalada deel qaafka ah ee ay caaday`isteen dhib gay satayaashii .

Gaba gabadii waxaan halkan jawaab ku siinaynaa qoloda xaquuqal iinsaanka sheegatay ee iyagoon warba hayn wax iska soo qoray hadal ay uugu doodayeen cida falkaasi foosha ku kacday hadala dooda ay ka mid ahaayeen in odayaasha la soo daayo . hadaba waxaan leeyahay qolada isku magacaabtay xuqul iinsaanka hadii la soo daayo yaa damaanad qaadaya odayaashaa amaan kooda waxaan leenahay ka waantooba isku dir ka beelaha oo ka daya qoraalada aad soo qoraysaan .

Odayaasha beesha looge

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.