JAMHUURIYADA SOMALILAND GOOL DIMUQRAADIYADEED OO QURUX BADAN

0
JAMHUURIYADA SOMALILAND GOOL DIMUQRAADIYADEED OO QURUX BADAN

JAMHUURIYADA SOMALILAND GOOL DIMUQRAADIYADEED OO QURUX BADAN ,AYAY KA DHALISAY AFRICA & CAALAMKABA .

QORE::C/RISAAQ ABSHIR
Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Qaran  curdina isla markaasina ku yaala mandaqada geeska Africa oo ay ragaadiyeen xasarado iyo colaado sokeeye  ,Caalamkana aan ka haysan wax aqoonsi ah ayaa Soddonkii sannadood ee ugu danbeeyey ku guulaysatay inay dalkeeda ka samayso dawladdnimo taabo gal ah ,Amni ,horumar dhaqan dhaqaale iyo doorashooyin madax banaan oo isugu jira doorashooyinka Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo kuwaa golayaasha Deegaanka  iyadoon wax taageero ah oo la taaban karo aan ka helin caalamka .
Doorashooyinkan ayaa muwaadiniinta Somaliland waxay si toosa ah u doortaan Madaxweynaha ,wakiillada siyaasadda ku metelaya golayaasha wakiillada iyo deegaankaba iyadoo labaatankii sannadood ee ugu danbaysay doorashooyinka Somaliland ay ahaayeen doorasho hal cod iyo hal qof ah (One man One Vote) iyagoo doorashooyinkaasi dhammaantood ku dhacay jawi nabad gelyo  oo ay dumuqraadiyadi ku dheehantahay adag tahay amaba aanay jirin inay ka dhacdo dalalka geeska iyo kuwa qaarada oo ay maamulaan kaligood taliyayaal .
Doorashadii ugu horaysay ee shacabka Jamhuuriyadda Somaliland codkooda si toos ah u dhiibtaan ayaa laga joogaa muddo labaatan sanno ah iyadoo ahayd Aftidii Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhacday 31-kii May Sannadkii 2001-dii oo ay boqolkiiba toddoba iyo sagaashan(97% ) Shacabka Somaliland u codeeyeen (HAA)  .
Bishii December 2002 ayaa lasoo doortay golayaashii deegaanka ee ugu horeeyay ee dalka .
14-kii bisha April Sannadkii  2003-dii ayaa iyadna ay dhacday doorashadii Madaxtooyada ee ugu horaysay ee ay shacabku toos usoo doortaan Madaxweynaha  iyadoo ay tartamayeen Saddexdii Xisbi Qaran ee xilligaasi oo ay imika laba kamid ahi jiraan
Xisbigii hayay talada dalka xilligaasi ee Udub oo uu ka sharaxnaa Madaxweynihii xilligaasi Mudane Daahir Riyaale Kaahin & ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin,
Xisbiga ilaa imika jira ahna ka ugu da’da weyn xisbiyada hada jira waa Ucid oo uu ka sharaxnaa Eng Faysal Cali Xuseen(Faysal Cali Waraabe) iyo Xisbiga wakhti xaadirkan ah xisbul xaakimka waa Kulmiye oo xilligaasi  uu u tartamayay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ,iyadoo doorashadii xilligaasi ee madaxtooyada uu ku guulaystay xisbigii talada dalka hayay ee Udub iyo musharixiintiisii ahaana Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku-xigeenkii xilligaasi ee dalka iyagoo 80 cod oo kaliya kaga sareeyay Xisbiga Kulmiye taasi oo si weyn caalamku ugu amaanay Somaliland  ,mucjiso weyna ay ku noqotay beesha caalamka in dal yar  oo Africa ku yaala kana soo baxay colaado,dhaqaalihiisuna uu liito,caalamkuna aanu aqoonsanayn ay ka dhacdo doorasho meeqaamkeeda dimuqraadiyadeed uu sareeyo .
29-kii bishii September ayay dhacday doorashadii ugu horaysay ee shacabka jamhuuriyadda Somaliland kusoo doortaan Baarlamaan ku yimaada codka shacabka ,maadaama baarlamaankii hore iyo guurtidaba laga soo xulay beelaha. Doorashadaasi ayay u tartameen 246 musharax oo u tartamayay 82 ka kursi ee ee uu ka kooban yahay aqalka golaha Wakiillada ee Somaliland iyagoo ka kala sharaxnaa saddexdii xisbi ee Udub ,Kulmiye iyo Ucid waxaanay saddexdaasi xisbi kuraasta golaha ukala heleen .
Xisbigii Udub waxa uu helay 34 Xildhibaan ama kursi
Xisbiga Kulmiye waxa uu helay 28 Xildhibaan  ama kursi halka xisbiga Ucid na uu helay 21 Xildhibaan ama kursi sidaasi ayay u kala heleen saddexdasi xisbi 82 ka kursi ee golaha wakiillada,is-bahaysi ay sameeyeen labadii xisbi ee mucaaridka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid ayaa waxa uu u suura galiyey inay ku guulaystaan Saddexda jago ee uu ka kooban yahay Shir-gudoonku ee kala ah Gudoomiyaha,Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Gudoomiye Ku-xigeenka labaad .
Iyadoo xisbiga Ucid uu helay jagada Gudoomiyaha halka xisbiga Kulmiyena uu helay labada jago ee gudoomiye ku-xigeenka koowaad iyo gudoomiye ku-xigeenka labaad iyadoo gollahaasi la doortay muddo xileedka dastuuriga ah oo ah muddo(5) shan sanno ah .
26-kii June Sannadkii 2010 kii ayaa waxa dalka ka dhacday doorashadii labaad ee ay shacabku si toosa ah usoo doortaan Madaxweynaha iyadoo uu xilligaasi ku guulaystay Musharixii Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo mucaarid ahaa isagoo ka guulaystay Musharixiintii kale ee la tartamayay oo kala ahaa Musharixii Xisbul Xaakimka Udub ahaana Madaxweynihii Xilligaasi Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Musharixii Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe  iyadoo ay doorashadaasi ku dhacday jawi nabad gelyo, si kalsooni lehna ay u aqbaleen musharixiintii laga guulaystay ee uu kamid ahaa Madaxweynihii Daahir Riyaale Kaahin isagoo xukunka dalka ku wareejiyay si nabad ah .
Doorashadaasi ayaa mar kale Caalamka anfariir ku ridey hanaankeeda dimuqraadiyadeed iyo in Madaxweyne African ah oo laga guulaystay uu xukunka si nabad ah ugu wareejiyo mucaaridkii ka guulaystay waxaanay ahayd doorashadaasi mid indhaha caalamka kusoo  jeedisay Jamhuuriyadda Somaliland oo aan aqoonsi caalami ah ka helin caalamka .
Bishii December ee sannadkii 2012-kii waxa dalka ka dhacday doorshadii labaad ee golayaasha deegaanka oo ay musharixiintu ka sharaxnaayeen uraradii siyaasadda ee ay kasoo dhex baxeen saddexda xisbi Qaran ee Ucid ,Kulmiye iyo Waddani.
13-kii November sannadkii 2017-kii ayaa waxa Somaliland ka qabsoontay doorashadii saddexaad ee shacabku si toos ah usoo doortaan madaxweynaha iyadoo xilligaasi aanu tartamayn madaxweynihii Xilligaasi Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo halka ay tartamayeen Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxnaa Xisbiga kulmiye ,Faysal Cali Waraabe oo isna u sharaxnaa Xisbiga Ucid iyo C/raxamaan Maxamed C/laahi Cirro oo u sharaxnaa waddani iyo ku xigeenadoodii ayaa waxa doorshadaasi ku guulaystay Madaxweynaha iyo M/ku-xigeenka  Muuse Biixi Cabdi & C/raxmaan C/laahi Saylici oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye halka ay hanbalyeeyeen Musharixiintii laga guulaystay ee Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Maxamed Cirro iyo ku xigeenadoodii oo ka sharaxnaa Xisbiyada Ucid iyo kulmiye .
Doorashadani ayaa waxa ay ahayd mid si weyn looga soo shaqeeyay hanaankeeda maadaama diiwaan-galintii cod bixinta doorashadu ay ahayd mid ku cusub dalalka qaarada Africa oo ahayd mid sawiro laga qaadayay bu’da isha iyo faraha taasi oo ka hor tagaysay inay dhacdo wax isdaba marin ah ,iyadoo ay kormeerayeen kor-joogayaal caalami ah oo ka kala socday dawladdaha Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo wariyayaal caalami ah .
31-kii bishan May sannadkan 2021 Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ka dhacay doorashooyinka Isku-sidkan oo ah kuwa Baarlamaanka iyo Deegaanka,doorashooyinkani oo Caalamku si weyn indhaha ugu hayay ayaa waxa aqoonyanadu tilmaameen mid ay adagtahay in la arko inay ka dhacdo dalalka kasoo baxay burburka iyo colaadaha dhismayna wixii ka danbeeyay burburkii Midowgii Sofiyeti(USSR)ee ku yaala Africa,Asia iyo dalal badan oo caalamka ahba maadaama ay doorashooyinka Baarlamaanada iyo deegaanku ay xasaasi yihiin .
Doorashooyinkan Isku-Sidkan ayaa ah mid taariikhi ah maadaama muddo la sugayay qabsoomidooda  ayaa ah qaar lagu bedelayo golaha wakiillada oo kuraasta fadhiyay muddo ku dhow 16 sanno iyadoo muddo xileedka la doortay ahaa 5 sanno ayaa waxa golaha guurtidu 7 jeer muddo kordhin usameeyeen .
Halka golayaasha deegaanka ee horena ay muddo dhaaf ahaayeen iyaguna muddo ku dhow 10 sanno iyadoo muddo xileedka dastuuriga ah ee la doortayna uu ahaa 5 sanno ,si kastaba ha ahaatee doorashooyinkan isku sidkanaa oo ahaa mid taariikhda Somaliland ku cusub waxaanay ku qabsoontay oo ay u dhacday si nabad ah oo ay ka muuqato ilbaxnimo dimuwraadiyadees iyadoo  doorashadani  ka dhacday 6 gobol doorasho iyo 22 degmo doorasho oo ay ka  sharaxanaayeen  246 musharax oo u tartamay 82 ka kursi ee golaha wakiillada kana kala socday Saddexda xisbi qaran .
Halka golayaasha deegaanka u tartameen 521 musharax guud ahaan degmooyinka doorashada oo iyaguna ka kala sharaxnaa saddexda xisbi qaran .
Inka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo ruux ayaa isku diiwaan geliyay inay codeeyaan doorashada kuwaasi oo ka codaynayay 1642 goobood oo ay ka dhacaysay doorashadu .
Saddexda xisbi qaran ee Kulmiye ,Ucid iyo Waddani ayaa ku loolamaya aqlabiyada kuraasta baarlamaanka .
Doorashadani ayaa sababtay in magaca Somaliland qabsado shaashadaha iyo ciwaanada warbaahinta caalamka iyagoo qiray in Jamhuuriyadda Somaliland Dimuqraadiyad taabo gal ah oo daah furan ka dhalisay mandaqad xasarado badan madaxdooduna ay yihiin qaar xukun jacayl dartii iskugu dhejiya kursiga iyagoo sharcigana u jidaysta hadba sidii ay rabaan ,waxaana Somaliland u hanbalyeeyey madax iyo shacab kala duwan oo ku dhaqan Geeska africa iyo Caalamkaba .
Xukumadda Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa guntiga dhiisha iskaga dhigtay in dawladdu bixiso boqolkiiba sideetan(80%) lacagta ku baxday doorashada iyadoo Somaliland tustay caalamka inay hiigsan karto inay is bixiso aqoonsi la’aan.
Doorashadani ayaa waxa kasoo qayb galay kor-joogayaal badan oo ka kala yimid dalal badan oo caalamka ah kana mid yihiin UK,Canada,South Africa,Ghana,Uganda ,Zambia ,Kenya,Liberia,Tanzania,Zimbabwe,Namibia,Sierra Leone kuwaasoo dhammaantood qiray sida ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu dacfartay doorashooyinka demuqraadiga ah oo laf-dhuun gashay ku noqday dalalka kale ee mandaqada .
Si kastaba ha ahaatee beesha caalamka ayay ceeb ku tahay inay indhaha kasii qarsadaan taabo galka dawladdnimo iyo dimuqraadiyadeed  ee ay ku halgameen shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland .
W/Q: C/risaaq Abshir
Hargeysa ,Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.