James Swan Oo Ka Hadlay Kulanka Farmaajo Iyo Biixi

0
James Swan Oo Ka Hadlay Kulanka Farmaajo Iyo Biixi
SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

James Swan xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo shalay warbixin siinayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku dhex maray xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Horraantii bishan ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu agaasimay kulan ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Mr James Swan oo intaasi raaciyay in ay ka rajaynayaan wada hadal aragti togan ku dhisan.

Mr Swan wuxuu intaasi raaciyay in ay waajib tahay in Somaliland doorasho ka dhacdo sanadkan 2020 ” Somaliland waa in ay doorasho ka dhacdo, halka doorashada baarlamaanka in la qabto ay ugu dambeysay 2005, waxaan ku boorrinaya xukumadda iyo xisbiyada siyaasadda si loo helo dariiq looga dhaqaaqo cakirnaanta hadda taaggan, waa in doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku qabsoomaan ka hor dhammaadka 2020,” ayuu yidhi Mr Swan.
REMARKS BY UN ENVOY JAMES SWAN TO THE SECURITY COUNCIL ON THE SITUATION IN SOMALIA ON 24 FEBRUARY 2020

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.