Jamaal Cali Xuseen Sheeko Sarbeeb Ah

0

W/Q Jamaal Cali Xuseen
Kaftanka Maanta: Beri ayeey reer duceysteen oo adhi badan la qalay. Nin ka mid ah xertii loogu yeedhay ducadda ayaa is yidhi ducadan hilibka badan la cunayo uga faa’idee inaadeerkaa oo quraankana wax ha ka akhriyo, hilibkana wax ha ka cunee, bi’i waaye ninka u yeedh kolay meel halkanuu ku saruuradaysan yahoo kolayba ishaa hilib la’aan baa u yeeshaye. Kolkii ducaddii la yimid oo ninkii xerta ka mid ahaana inaadeerkii xer ahaan ku soo kaxeeyey ayaa xertii bilowday quraankii. Kolkii la wareejiyey ee nin walba Yaasiin akhrinayey ayuun buu ninkii xerta layskaga soo daray ee inaadeerkii u yeedhay uu isagu mar walba Wal-casri ku cel-celiyaa. Kolkay dhowr jeer soo wareegtay ee uu marwalba Wal-casri ninkii akhriyey ayaa kolkii danbe ninkii Xerta ku jiray ee soo kaxeeyey ayaa si yaroo canaan leh dadkii kale oo maqlaya ugu odhanaya “Waar dee Yaasiin baa la akhriyayaa.” Dadkii oo wada sugaya jawaabtiisa ayaa ninkii la soo kaxeeyey si xariifnimo leh ugu odhanaya, “Waar Walcasrina quraanka ha ka saarin, anigana xerta hayga saarin” kk Meeshaa doontaan ula kaca. Waan idin salaamay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.