Jahaweer Ka Taagan Kaadh Qaadasha Hargeysa Iyo Oday Waayeel Ah Oo Hargeysa Markii Hore Iska Diwaangaliyay Oo Loo Sheegay Inuu Gabiley Kaadhkiisii U Doonto.

0

“Walaal Waxaan Tagay Halkii Aan Markii Hore Ka Qaatay,Waxa La Iisheegay Inaanay Halkaasi Waxba Ii Oolin,Waxaan Haddana Tagay Meel Kale Oo ………..…..”.
Hargeysa(Sayruuq)- Inta badan Shacabka degan Deegaanka Hargeysa ayaa ku jahawareersan qaabka cusub ee ay Kimishanka Doorashooyinka Qaranku u soo dejiyeen in loo bixiyo qaadashada kaadhadhka Codaynta oo laba cisho ka hor si rasmi ah uga bilaabantay Hargeysa iyo guud ahaan Gobolka Maroodi Jeex,waxaana jira Dad laga badelay oo ka waayay kaadhkoodii halkii ay markii hore iska diwaangaliyeen ee Warqadda ugu qoran.
Waxa arintaasi kasii daran oo aad shalay loola yaabay dhacdo kale oo aan hore dadku ula kulmin Maalintii hore,waxaana jira dad reer Hargeysa ah oo markii hore iska diwaangaliyay Goobo kuyaala Caasimada oo iska waayay islamarkaana loo sheegay inuu kaadhkoodii yaalo Gobol kale,waxa dadkaasi qaar ka mid ah Warbixin shalay ka duubay Tv Cusub ee ERYAL,Waxa dadkaasi ka mid ahaa Oday waayeel ah oo duq ah oo Markii hore Hargeysa ka qaatay oo shalay uun lagu wargaliyay inuu Gabiley ka doonto,Waxa uu Telefishankan u sheegay sidan“halkan ayaan ka qaatay Kaadhka (Hargeysa),warqadiina waatan,Hargeysa uunbaa ka qaatay ,Imikana Gabiley tag ayay ileeyihiin”.
Waxa kale oo iyaguna jira Dad kale oo Tv-gaasi waraysi ka qaaday oo labadii Cishaba raadcaynayay halka uu gaadhkoodii yaalo kadib markii ay ka waayeen Halkii ay markii hore ka qaateen warqad ama ay iska diwaangaliyeen,waxaana dadkaasi hadaladooda ka mid ahaa sidan“Anigoo shalay goobtii aan ka qaatay wakhti badan taagnaa oo la iigu eedaamay ayaa la igu yidhi meesha kaadh kuuma yaalee iska tag,oo meelaha kale kaadhkaagii ka raadso,meeshan aa taagnaa waa halkii aan iska diwaangaliyay“.
Waxa kale oo hadaladooda ka mid ahaa“walaal waxaan tagay halkii aan markii hore ka qaatay,waxa la iisheegay inaanay halkaasi waxba ii oolin,waxaan haddana tagay meel kale oo la iigu sheegay kaadhkaygii waan ka waayay halkii,waxaan idiin sheegayaa in qaabka loo asdeeyay ee Xarfaha loogu qaadanayo kaadhadhku ay khal khal badan keeneen,Waanad aragtaa oo dadkii way iswaydaaranayaan uun,waa maalintii labaad walina ma hayo kaadhkaygii codaynta,oo waan raadcaynayaa”.
Qorshaha Kaadhadhka Codaynta doorashadda ee doorkan lagu bixinayo oo ku salaysan Xuruufta ama ALFAABEETADA ayaa jahawareer ku keentay dadka shacabka ah oo u fahmi la’.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.