“Jabuuti Wax Ay Ina Yeesho Mooye Waxba Inooma Kordhiso,” Kulmiye

0
“Jabuuti Wax Ay Ina Yeesho Mooye Waxba Inooma Kordhiso,” Kulmiye

“Jabuuti Wax Ay Ina Yeesho Mooye Waxba Inooma Kordhiso,” Kulmiye
Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah saraakiisha sare ee Kulmiye horena u soo noqday wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ayaa dawladda Jabuuti ku eedeeyay in ay ka shaqayso hadimada Somaliland. Waxa uu difaacay xukumadda madaxweyne Biixi oo uu sheegay in ay wali wakhti lagu qiimeeyo u baahan tahay.
Waxa uu sheegay in Jabuuti ka hinaastay dekedda Berbera“Jabuutida intaas inoo jirta wax ay ina yeesho mooyaane oo ay dhaqaalaheena yeesho mooyaane waxba inooma kordhiso. Waa taa dekedda yar ee halkaas(Dekedda Berbera) ka ooyaysa ee ka qaylinaysa ee geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay in aanay socon hinaase awgeed.”
Mr Ubaxle waxa uu dib jir ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo jabhad ka samaysta gobolka Sanaag kadib markii uu ka goostay ciidanka Qaranka Somaliland. Caarre oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee ciidanka Qaranku waxa uu hore u ahaa mujaahidiintii SNM laakiin, muuqaal laga duubay isaga oo ka cadhaysan colaad ka socotay Ceelafweyn ayaa sababtay in uu ciidanka ka goosto.
Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Siyaasi Axmed Cali Ubaxle siiyay Hadhwanaag
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.