Jabuuti Oo Xisbiga KULMIYE Marti Qaaday

0
Jabuuti Oo Xisbiga KULMIYE Marti Qaaday

Jabuuti Oo Xisbiga KULMIYE Marti Qaaday
Hargeysa(Sayruuq) Masuuliyiin ka socda xukuumadda KULMIYE ayaa ka qayb galaya munaasibadda xisbiga talada Jabuuti haya ee RPP. Xisbiga oo u dabaal degaya sanad guuradiisa oo uu hadda afartan jirsaday ayaa sheegay in ay kala qayb qaadanayaan dabaal degga xisbiyo uu saaxiib la yahay kuwaas oo uu Somaliland uga qayb galayo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Wasiirka maaliyadda ee Jabuuti Ilyaas M. Dawaaleh ayaa boggiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraal kooban oo uu ku sheegay marti qaadka ay u fidiyeen dhawr xisbi oo uu ka xusay xisbiga KULMIYE iyo xisbiyada talada haya ee dalalka Itoobiya EPRDF, Kenya Jubilee iyo Ruwanda RPF iyo kuwo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ahna guddoomiye xigeenka 1-aad ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa la sheegay in uu hoggaaminayo weftiga uga qayb galaya KULMIYE damaashaadka RPP. Sida uu wasiir Ilyaas sheegay waxa ay xisbiyadan ka filayaan weftiyo heer sare ah oo ay wada hadal iyo iskaashi saaxiibtinimo yeeshaan.

Xisbiga Jabuuti ayaa dhawaan ka qayb galay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee Boorama waxaanay xukuumadda Jabuuti si mug leh uga dhex muuqatay caleemo saarkii madaxweyne Biixi taas oo u muuqata iskaashi iyo saaxiibtinimo gaar ah oo u dhexeysa xisbiyada talada Somaliland iyo Jabuuti haya.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.