Jabuuti Oo Wax Fudud Ka Soo Qaaday Arrin Maraykanku Ka Walaacsan Yahay

0
Jabuuti Oo Wax Fudud Ka Soo Qaaday Arrin Maraykanku Ka Walaacsan Yahay

Jabuuti Oo Wax Fudud Ka Soo Qaaday Arrin Maraykanku Ka Walaacsan Yahay

Dawladda Jabuuti ayaa indhaha ka lalisay walaaca dawladda Maraykanku ka qabto iskaashiga Jabuuti iyo Shiinaha. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shalay Jabuuti kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in aanay Maraykanka la qabin walaaca ku saabsan in daynta Shiinuhu waxyeelayso qarannimada dalalka Afrika.

“Shiinuhu waa bahwadaag aad u fiican. Xaqiiqdii culayska dayntu wuu jira oo waanu ka war qabna laakiin, waxaan kuu sheegaya in ay wali tahay mid la maamuli karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo sheegay in aanay la qabin warwarka Maraykanku qabo waxaanu xaqiijiyay in ay Rex Tillerson ka wada hadleen xidhiidhka Shiinaha iyo Jabuuti oo arrinta dayntu ka mid tahay.

“Miisaaniyaddayada 84% meelahaas ayay ka tahay dayntu laakiin, waxaanu ogsoonahay in dalalka qaar sida Japan culayskaasi ka yahay 200% miisaaniyaddooda. Waxaanu si xooggan oo wanaagsan u maalgashanay kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaanu rajaynayna in kaabeyaashan ganacsigu noo sahlaan in aanu iska bixinno daynta, sidaa darteed ma qabno warwarkaas. Arrintaas indhaha ayaanu ku hayna waxaanan u aragna in China shaqo fiican hayo maaddaama uu maalgalinayo kaabeyaashayada,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

“Sinaba isuguma dayayno in aanu doollarka Shiinuhu Afrika soo galin laakiin, waxa muhiim ah in waddamada Afrika si taxadar leh u eegaan shuruudaha heshiisyada(Heshiisyada Shiinaha iyo Afrika) oo aanay iska dhiibin Qarannimadooda,” Sidaa ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku u sheegay dalalka Afrika oo Jabuuti ku jirto.

“Jabuuti door weyn ayay ka ciyaarta ilaalinta in ganacsiga dunidu si xor ah u maro badda cas taas oo balaayiin qof u ogolaanayso in alaabtoodu uga timaaddo dunida oo dhan badduna ahaato mid furan,” Sidaas ayuu yidhi Tillerson oo Jabuuti ku ammaanay iskaashiga dhanka ammaanka ee ay wada leeyihiin.

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay Salaasadii la soo dhaafay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinuhu uu la wareego dekedda Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World. Waxa uu sheegay in ciidammadda ay wajihi doonaan “cawaaqib daran” haddii Shiinuhu uu halkaas soo galo.

Laakiin, Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka jawaabay walaaca Maraykanka ee ah in Saadka iyo Shidaalka laga jari karo ciidamadooda haddii Shiinuhu la wareego maamulka dekedda Doorale“Helista waxa uu u baahan yahay saldhigga camp Lemonnier cidna ma calqaradayn doonto oo fursadda ma helayso, mana jiraan dano is diidan khilaaf ka dhasha oo loo ogolaanayo dekedda Doorale,” sidaas ayuu yidhi wasiirka oo hadlaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson bookhanayo Jabuuti.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.