Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Loolanka Maraykanka Iyo Shiinaha Ee Dalkeeda

0
Taageerada Ruushka & Imaaraadku Waxay Horseedaysa Citiraafka Somaliland
Wasiirrada khaarajiga Jabuuti iyo xoghayihii hore ee khaarajiga Maraykanka

Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Loolanka Maraykanka Iyo Shiinaha Ee Dalkeeda

Todobaadadii u dambeeyay waxay warbaahinta dunida iyo dadka siyaasadda falanqeeya si weyn u hadal hayeen in dekedda Doorale ee Jabuuti lagu wareejinayo dawladda Shiinaha kadib markii DP World laga eryay. Arrintaasi waxay sii xoogaysatay markii taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka ee Saldhigga Jabuuti walaac ka muujiyay in Shiinuhu halkaasi la wareego.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka jawaabay walaaca Maraykanka ee ah in Saadka iyo Shidaalka laga jari karo ciidamadooda haddii Shiinuhu la wareego maamulka dekedda Doorale“Helista waxa uu u baahan yahay saldhigga camp Lemonnier cidna ma calqaradayn doonto oo fursadda ma helayso, mana jiraan dano is diidan khilaaf ka dhasha oo loo ogolaanayo dekedda Doorale,” sidaas ayuu yidhi wasiirka oo hadlaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson bookhanayo Jabuuti.

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay Salaasadii la soo dhaafay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinuhu uu la wareego dekedda Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World. Waxa uu sheegay in ciidammadda ay wajihi doonaan “cawaaqib daran” haddii Shiinuhu uu halkaas soo galo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti waxa uu sheegay in dawladda Jabuuti gacanta ku haynayso dekedda Dooraleh inta ay ku kala baxayaan shirkadda Dp World  “Jabuuti waa Qaran madax bannaan oo awood u leh in uu maamulo kaabeyaashiisa, ka dhigidda in Jabuuti hantideeda u wayn ku wareejisay dal shisheeye waa warar khaldan iyo wax la isla dhexmarayo(Kutidhi ku teen),” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf.

“Shiinuhu caqabad kuma aha danaha guud Jabuutina waxay ilaalinaysa dheeli tirka xidhiidhka ay la leedahay labadan Qaran ee waaweyn(Shiinaha iyo Maraykanka),” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamuud oo intaasi raaciyay “ Jabuuti way qiimaysa isbahaysi xooggana way kula tahay gobolka waddanka Maraykanka. Joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dalku waxay u adeegaysa amniga iyo nabadda dunida.”

Dhagaysi ay u fadhiisteen xildhibaannada Congress-ka Maraykanka Salaasadii la soo dhaafay waxa inta badan hadheeyay kaalinta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika, waxayna sheegeen in ay ka warheleen warar sheegaya in Jabuuti ay dekada ula wareegtay si ay hadiyad ahaan ugu siiso Shiinaha.

Jeneraal Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in haddii Shiinaha ay xayiraado kusoo rogaan isticmaalka dekedda, taas ay saamayn doonto in maraakiibta dagaalka Maraykanka ay shidaal ka qaataan meesha.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.