Jabhadda TPLF iyo Soomaalida raacsan

0

Jabhadda TPLF iyo Soomaalida raacsan
WQ: Ibraahin Hawd

Maanta waxaa bilowday gurmadka Dawlad Degaanka Soomaalidu ka ga qayb galayso gayllanka la gu jabinayo TPLF. Soomaali badan baa muujinaysa in tallaabadaasi qalad tahay. Wax ay lee yihiin, dhallinyaro Soomaaliyeed baa la geynayaa dagaal aan na khusayn. Mar kale wax ay lee yihiin Amxaaro oo Tigraay innooga daran baa loo hiilinayaa. Mar saddexaad wax ay ku dacwiyayaan labadaa qoomiyadood iyo dawladda dhexe ha is ku jabeen ee yaan la isu gu tagin. Mar kale wax ay lee yihiin TPLF waa ay inoo fiicnayd oo ismaamul goboleed bay ina siisay. Kuwo aan afka ka qiranayn uurkooda wax aan ka arkaa in ay lee yihiin TPLF saaxiib baannu la ahayn.

Dadkaa caqliga fuud la ga ga shubka ah kolkii aan u fiirsaday nafsiyad ahaan waa laba qolo oo is huwan. Ta hore waa koox sideeda mucaarad u gu ah Mustafe Cagjar oo waqtigan ah madaxa gobolka Soomaalida. Qolada labaadna waa dad sababo nafsi ah u la socda kooxda TPLF oo jeclaan lahaa in ay xukunka ku soo noqoto, wax ayna u badan yihiin dad u dhashay Isaaq, Majeerteen iyo hadhaadigii Ina Iley ee Ogaadeen.

In aad Mustafe iyo siyaasaddiisa intii aad doonto iyo sababtii aad doontaba mucaaraddaa waa xaq aad lee dahay, laakiin waxaa jira laba arrimood oo isaga ka weyn ayna tahay in aad fahanto. Ta hore waa in gobolka Soomaalidu ka tirsan yahay qaranka Itoobbiya, waajibna ay tahay in arrimaha heerka qaran ah loo ga qayb qaato sida dawladda dhexe doonayso, taas oo aan baryo ahayn ee sharci ah. Ta labaadna waa in ay waajib tahay Soomaalidu in ay ka dagaallanto soo noqoshada gumaysigii TPLF, ciddii aan gumaysi u aqoon ee gacal u taqaannayna yeelkeed.

TPLF wax ahayd gumaysi nacab ah oo Itoobbiya ka xorowday, sidaa mar hore loo ga xoroobay Amxaaradii la nooca ahayd. Haddii ay dalka dawlad degaanno u qaybiyeen iyaga ayaa taa ku danaystay ee cid kale u ga ma ay danayn. Waayo wax ay doonayeen in ay qoomiyadaha ka la xayiraan oo qolaba gooni u gumaystaan, iyo in ay gobolkooda ka dhigtaan dammaanad ay mustaqbalka u irkadaan. Sidaa darteed waa addoonnimo iyo maanlaawannimo in aad oggolaato, marnaba iyo sinaba, in mar dambe qolo ku xukunto iyada oo qoomiyad ah.

Kacdoonkii weynaa ka dib Itoobbiya dhanka wacan bay u socotaa, waana in aynnu dhankaa u sii wadnaa, waayo sidaas baa Soomaalida Itoobbiya iyo Soomaalida kaleba u dan ah. Waana in aynnu ka feejignaannaa, oo burburinteeda ka shaqaynnaa, awood kasta oo qoomiyadeed oo Tigraay iyo Amxaaro innagu qabsan karaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.