Jabhadda ONLF Oo Hubka Laga Dhigay

0
Jabhadda ONLF Oo Hubka Laga Dhigay

Jabhadda ONLF Oo Hubka Laga Dhigay
Inka badan kun iyo todoba boqol (1,740) oo ka mid ah jabhadda xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa maanta hubka laga dhigay kadib heshiis dhexmaray dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo jabhadda. Jabhadda hubka dhigista lagu samaynayo ayaa lagu dhex daraya ciidamada ammaanka ee gobolka halka badhkood laga yaabo in ay noqdaan shaqaale dawli ah.

Xukuumadda Jigjiga iyo jabhadda ONLF ayaa isku raacay in wax laga qabto mushkiladaha gobolka ka taagna muddo ay jabhadda iyo maamulkii hore hirdamayeen. Waxa ay dhinacyadu ku heshiiyeen in wax laga qabto saboolnimada, xuquuqal iisaanka iyo maamul xumada gobolka ka jirtay waxaanay ONLF ballanqaaday in ay si nabad ah arrimahan uga qayb qaadanayso.

Tan iyo badhtamihii sanadkii hore oo maamulka gobolka uu la wareegay Madaxweyne Mustafe Cagjar, islamarkaana jabhadda loo fasaxay in ay si nabad ah dalka ugu soo laabto waxa dhawr jeer dhacay khilaafaad siyaasi ah. Waxa ay xukuumadda jirta si weyn uga tallaabsan la dahay dad ay ku sheegto hadhaagii nidaamkii Cabdi Iley oo hadda muddo dheer xabsiga ku jira.
“>Halkan kaga bogo wararka gobolka
Jabhadda ONLF Oo Hubka Laga Dhigay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.