Jabbuuti Oo sheegtay in Cov19 Laga helay afar qof oo ka Yimid Somaliland

0

Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland

Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland la wadaagtay.

Talefishanka ku hadla afka dawladda Jabbuuti laantiisa Af-carabiga ayaa sheegtay in masuuliyiinta caafimaadku ay xaqiijiyeen in dadkaas oo Hargeysa ka yimi laga helay xanuunka COVID-19.

Warku ma uu sheegin in dadkaasi ay Hargeysa ku noolaayeen iyo in ay Somaliland dibadda kaga yimaaddeen. Waxa se uu intaas ku daray in xaaladda dadkaasi aanay cuslayn.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.