Jaamacadda Nugaal

0
  1. JAAMACADDA NUGAAL:Ganacsaduhu ma qaldanayn oo sababta meesha keenetay iyo intii uu ‘waxbarasho’ ka garanayey ayuu hor Alle uga hadlay.

    LAAKIIN CIDDA QALADKA LAHAYD WAA MAAMULKA JAAMACADDA INTOODII MUNAASABADDAN MAAMULAYSAY;

    – Qof aan munaasabadda qorshaheeda hore ku jirin ayaa inta ay goon u soo geliyeen ay hadal ku dirqiyeen, iyaga oo dadka uga dhigaya in uu martida la casuumay ka mid ahaa – Waa qalad.

    – Qof aan xidhiidh la lahayn waxa madasha lagu hayo, fahamna ka haysan sida oo kalana aanay ka dalban in erey ay iyagu doonayaan oo cayiman uu yidhaahdo ayaa ay ka hadliyeen – waa qalad.

    Xitaa casuumadda in lagu soo jujuubay ganacsadaha ayaa ka muuqata oo iyagii ayuu dib u weydinayaa hudheelka la tegeyo iyo dadka imanaya, taasina haddii ay sidaas u jirto, qalad kale ayaa ay ahayd oo haddii in casuumad uu sameeyo ay ku diriqiyayeen (Maba fiicnayn sidaasi ee) waxa ay ahayd in ay gaar ugala hadlaan, marka casuumaddu qabsoontana ay baahiyaan uun hadday in dadweynuhu ogaado ay dan moodayeen.

    Anigu qalad ayaan u arkaa in ganacsadihii la kallifay ee haddana dhaqaalaha ku deeqay in la ceebaysto, waxa ila quman in maamulka jaamacaddu dib u saxo qaladka kooxda abaabulka munaasabaddu samaysay, kana barto duruus munaasabadadha dambe anfacda.

  2. Kamaal Marajaan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.