Jaamacadda Edna University Oo Xafladda U Qabtay 46 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Afar Kuliyadood

0

Hargeysa (Sayruuq)- Munaasibad ay ku qalin-jabinayeen 46 arday oo bartay culuumta caafimaadka ayaa ka qalin jabiyey jaamacada Edna University ee magaaladda Hargeysa, iyadoo munaasibad balaadhan loogu sameeyey Hotel Maansoor.

Ardaydan oo ka baxay kulliyadaha Shaybaadhka, Suuxdinta iyo kulliyada Dawooyinka ayaa munaasibadii qalin-jabintooda ka soo qayb-galay Marwada Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada, Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha, La taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Doorashooyinka, Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Socotay Xisbiga Waddani , Maamulka Iyo Macallimiinta Jaamacada Edna Iyo Marti Sharaf Kale mnaasibadaasi Lagu Soo Casuumay

Muxuyadiin Axmed Jibriil oo ku hadlayey afka ardayda ka qalin-jabisay kulliyada Shaybaadhka ayaa mahadnaqa alle ka dib waxa uu u mahad-celiyey Waalidiintii ku soo tabacday, Macallimiintii wax soo bartay iyo aasaasaha jaamacada Edna Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Mr Muxiyadiin Axmed Jibriil waxa uu xusay in ay balan-qaadayaan ardaydooda qalin-jabisay in aqoontii ay barteen ay dalka ugu shaqayn doonaan, waxaana uu xukumada Somaliland ka codsaday in ay taageerto ururada ay ku midoobeen aqoonyahanada caafimaadku islamarkaana loo sameeyo goobo u gaara oo ay dagaan.

Cabdiqaadir Xasan Cabdilaahi oo isna ku hadlayey afka ardyada ka qalin-jabisay Kulliyada Barashada Dawooyinka ee Jaamacada Edna oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aas-aaseen urur ay ku midoobi doonaan aqoonyahanka bartay aqoonta dawooyinka waxaana uu xukumada ka codsaday in ay ururkaasi taageero u muujiyaan.

Hormuudka Kulliyada Shaybaadhka ee Jaamacada Edna Axmed Ibraahin Doodi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Somaliland ay baahi weyn u qabto helida adeegyada caafimaadka iyadoo taas ka duulaysa jaamacada Edna ay bilowday in ay soo saarto Da’yartii qaban lahaa adeegyadaasi.

Maxamed Xuseen Mu’adanka Guddoomiyaha Jaamacada Edna University oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo uu u diray ardayda qalin-jabisay ka dib waxa uu ka waramay mabaadiida tacliineed ee jaamacada Edna waxaana uu yidhi:-“Jaamacadan hadafkeedu ma aha in ay qaadato arday tiro badan oo dakhli ka soo galo iyo in ay bixiso koorasyo aan loo miidaan dayin, sida aad ka war qabtaan waxbarashada jaamacadani xilligan ay bixisaa waxay ku kooban tahay mihnadaha kala duwan ee caafimaadka oo heer degree iyo heer diploma leh, taas oo ka dhalatay daraasad jaamacadu ku ogaatay baahida dalku u qabo aqoonyahano iyo mihnadlayaal caafimaad oo tayo buuxda leh ,intaas ka dib jaamacadu waxay u hawl-gashay diyaarinta agabkii iyo adeegyadii ay u baahnaayeen mihnadahaasi , baadi goobkii iyo xulistii Macallimiin khibrad leh iyo helista goobo caafimaad oo waxbarashada ku haboon arimahaas oo dhami ma aha kuwo sahlan”.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Aas-aasaha Cisbitaalka iyo Jaamacada Edna oo madashaasi ka hadashay ayaa xustay in ay maanta u tahay maalin farxadeed oo weyn maadaama oo ay goob joog u tahay ubad muddo la soo barbaarinayey waxna la soo barayey oo maanta qalin-jabiyey.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxa ay ka warantay muddadii ay jirtay Jaamacada Edna iyo tirada ardaydii ka qalin-jabisay muddadaasi waxaana ay tidhi:-“Waxa aan doonayaa in aan taariikh yar idinka siiyo marti sharafta inala joogta inta ka qalin-jabisay cisbitaalka Edna Aadan markii uu ahaa Machad iyo imika oo uu yahay jaamacad, waxa aanu ku bilownay shaybaadhada waayo markii aan cisbitaalka dhisayey waxaan arkay in aan la helaynin shaybaadh barito marka uu cisbitaalka noqdo wax noo baadha , waxa aanu ku bilownay afar iyo toban shaybaadh tababarkood , waxa kale oo aanu iyadana bilownay Kal-kaaliyayaasha iyadoon cisbitaal jirin iyadoon bukaan jiifin ayaanu ku bari jirnay xirfada caafimaad ee kal-kaaliye-nimada, ilaa hadda waxa ka qalin-jabiyey Cisbitaalka Kulliyada Kal-kaaliyayaasha boqol iyo kow iyo lixdan kal-kaaliye waxay ka shaqeeyaan gobolada dalka oo dhan , waxa kale oo aanu qaranka u soo saarnay 126 umuliso sare , waxa aanu ku xigsiinay shaybaadhadii aanu ku bilownay afar iyo tobankii waxa ay maanta tiradoodu gaadhaysaa 182-Shaybaadhe oo ka shaqeeya cisbitaalada oo dhan”.

Sidoo kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxa ay ka warantay sababta ku kaliftay in ay tababar siiyaan xirfadlayaasha dhinaca barashada daawada waxaana ay tidhi:-“Waxa kale oo aanu tababarnay oo qalin-jabiyey 216- xirfada daawada bartay ,halkaas marka aan joogo waxa aan rabaa in aan idiin macneeyo sababta nagu kaliftay in aau pharmacist tababarno , waxa na dishooday dad badan oo cisbitaalka la keeno oo dawo khalada la soo siiyey ama dawo hagaagsan si khalad ah loogu soo muday , waxaanu markaa jeclaysanay in aanu yeelano sharci xadidi kara farmasiiyooyinkan ee sida meelaha nac-naca lagu iibiyo tiradoodii aad u badatay , haddiise la rabo in sharci lagu dabaqo waa in iyagii marka hore la tababaraa , waxa kale oo markaa aanu ku xigsiinay tababar kale oo ilaa 33-qof ay ka qalin-jabiyeen oo loo tababaray in ay la tacaalaan qofka xaaladiisu aad u culus tahay markii ay ka baxeen Kal-kaaliye-nimadii tababar dheeraada loo siiyey in dadkaa aad u buka ay xanaanadooda iyo daryeelkooda ay tababar dheeraada u qaataan”.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxa kale oo ay xustay in gobolada dalka oo dhan ay u tababareen Umulisooyin wax ka taraya baahida Umuliso ee goboladaasi ka jirta“Waxaanu markaa haddana ku xigsiinay oo tababarkooda aanu ilaahay ka baryeynaa in uu nagu simo ilaa aanu kun u gaadhsiino qarankeenan 103-Umuliso waa kuwa gobolada laga keeno , waa kuwa gobolada loo tababaro laba sannadood baanu tababarnaa ,dabadeetana waxa shardi ah in ay goboladoodii ku noqdaan,waxa kale oo qalin-jabinaya maantaToddoba suuxiye , waxa qalin-jabinaya Lix Iyo Toban Shaybaadhe, Saddex Iyo Labaatan dawo yaqaan”.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxa ay intaasi ku dartay in gobolada Saaxil Iyo Gabiley ay midkiiba sagaal iyo toban Umuliso ugu tababaraan xarumahooda si baahiyaha caafimaad ee goboladaasi ka jira ay wax uga qabtaan, waxaana Marwo Edna ugu dambayntii sheegtay in muddadii ay jaamacada Edna furnayd ay guud ahaanba ka qalin-jabiyeen 888-Xirfadlayaal Caafimaad.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay Dar-daaran u jeedisay ardayda ay muddada ku soo tabcaysay waxaana ay ka codsatay in aqoontii la baray ay ugu shaqeeyaan bulshada iyo qaranka Somaliland.

Faadumo Siciid Ibraahim oo ku hadlaysay afka xisbiga Waddani ayaa hambalyo u dirtay ardayda qalin-jabisay, waalidkii ku soo tabcay iyo Macallimiintii wax soo bartay iyadoo aas-aasaha Jaamacada iyo Cisbitaalka Edna ee Adna Aadan Ismaaciil uga mahad-celisay dadaalka ay dalka galisay.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya isla-markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa ardayda jaamacada Edna ka qalin-jabiyey hambalyo iyo bogaadin uu gaadhsiiyey ka dib waxa uu si qoto-dheer uga waramay baaxada ay leedahay masuuliyada iyo waajibaadka saaran bahda caafimaadka, waxaana uu sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya uu bahda caafimaadka kaga dayan doono sida bini-aadamka loo xanaaneeyo iyo in aanay bini-aadanimadu xad lahayn isla-markaana oo aanay midab, diin iyo qolo lahayn.

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo isna munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay wadadii dheerayd ee Marwo Edna Aadan Ismaaciil u soo martay halganka ay ugu jirto sidii ay u soo saari lahayd waxna ay u bari lahayd jiil mustaqbalka anfaca qarankan, waxaana uu hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay isagoo ugu duceeyey in ilaahay ka dhigo kuwo anfac u yeesha dalka iyo dadkaba.

Marwo Aamina Maxamuud Jirde(Aamina Waris) Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo munaasibadaasi soo gabagabaysay ayaa xustay in Jaamacada Edna Adan University ay tahay jaamacad tayada waxbarashadeedu aad u sarayso sidii halkaas ay u gaadhi lahaydna ay dadaal dheer u gashay aas-aasaha Jaamacadani“Edna Adan University waa jaamacad taariikhdeeda iyo Edna halka ay u soo martay iyo tayada ay leedahayba aad looga soo sheekeeyey intii laga yidhi ayaan raacsanahay, edna waan kuu ducaynayaa, waan ku hambalyeeynayaa , jaamacadaana waxaynu ku faano oo Somaliland leedahay weeye”.

Geesta kale Marwo Aamina Maxamuud Jirde waxa ay Dar-daaran u dirtay ardayda ka qalin-jabisay Jaamacada Edna waxaana ay tidhi:-“Ardayda qalin-jabisay, arday imika waad ka baxdeen waxaad tihiin aqoonyahankaa , Jaamiciyiintaa juhdiga badan iyo wakhtiga badan la galiyey ee iyana inta ay dedaaleen ay aad iyo aad arintii u darseen ay imtaxaano u galeen ay barteen maanta koofiyadii qalin-jabinta iyo koodhkii qalin-jabinta la saaray , maanta waxa aad tihiin dad waaweyn , dad bulshada ku soo biiray madaxdeedii ayaad tihiin , waxaad tihiin dadkaa intii qof ee halkaas is taagtayba ay soo jeediyeen in aad dadkiina u shaqaysaan oo xirfadiina dadkiina aad wax ku bartaan oo jaamacadii idin bartay iyo aqoonyahanadii wax idin baray iyo waalidiintiiniiba aad ka farxisaan anagana qaranka oo idil aad ka farxisaan, markaa hooyo waxa aan idiinku ducaynayaa in ilaahay idin garab galo insha allah”.

Ugu dambayntii waxa munaasibadaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey lix iyo afartanka arday ee ka dhamaystay jaamacada edna Culuumta caafimaadka, halka dhinaca kalena ay jaamacada edna shahaadada Doctor’s Degree ku maamuustay marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde oo ku mutaysatay caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo ay ka shaqayso, sidoo kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxa ay halkaasi ku guddoonsiisay Marwo Maxamed Ismaaciil shahaado ay siiyeen in ka badan shan urur oo caalamiya oo ka shaqeeya caafimaadka ka dib markii ay ku guulaysatay tartan caalamiya oo ay ka qayb-gashay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.