Jaaliyada Beesha Arab Ee Toronto Oo Ubalamey Shirweyne Lagaga Arinsanayo Arimaha Lagu Taageerayo Xisbiga Wadani Ee Isbadelka Siyaasadeed iyo Ogeysiis Kusocda –

0

Toronto(Sayruuq)-Aqoonyahanka Waxgaradka iyo Xubnaha kala duwan ee Jaaliyada Beesha Arab ee Toronto ayaa, u balamey kulan balaadhan oo loogu gogol xaadhayo Shirweyne lagaga arinsanayo arimo door ah oo ay hordhac u yihiin taageerada Beeshu u muujineyso Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Hogaamiyihiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), isbadelada Siyaasadeed ee Xisbigaasi kusoo kordhiyay Geedi Socodkiisa Siyaasadeed.

Kulankan Loogu gogol xaadhayo Shirweyne ay ku kulmi doonaan Jaaliyada Beesha Arab ee Toronto,oo qabsoomi doona maalinta Sabtida ah ee Todobaadka soo socda,todobada fiidnimo islamarkaana, lagu qaban doono Huteelka SAHAN-REUSTERANT waxaa lagu wargalinayaa guud ahaanba in baaqa Shirkan ay kawada faa,ideystaan dhamaan Xubnaha Jaaliayadu si loogu dhameystiro arimaha lagu qorsheynayo ee ay u horeyso taageerada Xisbiga Wadani iyo Gudoomiyihiisa ay u muujinayaan Beeshu.

Kulankan iyo Shirweynaha Taageerada ah ee ka dambeeya ayaa lagu wadaa in uu u gudbi doono dalal badan oo Qurbaha ah islamarkaana, aragti mideysan ay Beesha arab ugu muujin doonto taageeradooda Xisbiga Wadani.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.