“Iyadoo Amarka Al- Shabaab Uu Muqdisho Ka Hir Gelayo Ayay NISA Ku Mashquulsan Tahay Caburinta Ra’yiga,” A/Rahman A/Shakuur

0
“Iyadoo Amarka Al- Shabaab Uu Muqdisho Ka Hir Gelayo Ayay NISA Ku Mashquulsan Tahay Caburinta Ra’yiga,” A/Rahman A/Shakuur

“Iyadoo Amarka Al- Shabaab Uu Muqdisho Ka Hir Gelayo Ayay NISA Ku Mashquulsan Tahay Caburinta Ra’yiga,” A/Rahman A/Shakuur

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay xoog ku joojisay kulan uu khudbad ka jeedin lahaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiya xisbiga Wada Jir ee mucaaradka ah. Nabad Sugidda ayaa maamulka Hotelka si khasab ah ugu amartay joojinta xafladda laakiin, looma sheegin wax sabab ah sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qoraal uu ku qoray boggiisa Facebook wuxuu ku sheegay in ay sharci darro tahay go’aanka lagu joojiyay kulanka oo uu kaga hadli lahaa saamaynta ay gobolka ku leeyihiin dalalka ku hirdamaya iyo cawaaqibka Soomaaliya kala kulmi karto. Kulanka waxa la filayay in ay ka soo qayb galaan siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:

“Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.

Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.

Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka.”

“Iyadoo Amarka Al- Shabaab Uu Muqdisho Ka Hir Gelayo Ayay NISA Ku Mashquulsan Tahay Caburinta Ra’yiga,” A/Rahman A/Shakuur

Qoraallo kale oo uu boggiisa Twitter-ka ku qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in hore loogu weeraray gurigiisa, lana dilay ilaaladiisa, islamarkaana sharci darrada lagula kacaya isa soo tarayso.

Xoghayaha xisbiga Wadajir oo warbaahinta Jowhar la hadlay ayaa cambaareeyay falkan “Tallaabadan caawa Hey’adda NISA inoogu awood sheegatay waa mid muujineeysa sida hoggaanka dowladda u bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta Xisbiga Wadajir islamarkaana ay ugu xadgubayaan xaquuqda muwaadinka , xoriyadda hadalka iyo afkaarta oo ku oggolaanayo Dastuurka dalka iyo sidoo kale cuuryaaminta ahdaafta Xisbiga Wadajir oo ay ka mid tahay in dadka Soomaaliyeed lagala niqaasho fahamka masaalixda iyo siyaasadaha caalamiga”ayuu yidhi Sayid Cali Macalin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.