“Itoobiya Waxay Isticmaalaysa Dekedaha Boosaaso, Marka & Kismaayo,” Madaxweyne Biixi

0
Ingiriiska Oo Ka Hadlay Xorriyadda Somaliland

“Itoobiya Waxay Isticmaalaysa Dekedaha Boosaaso, Marka & Kismaayo,” Madaxweyne Biixi
Warbaahinta Bloomberg ayaa warbixin ka qortay doorka shirkadda DP World ee dekedaha Geeska Afrika siiba dekedaha Ereteriya, Somaliland iyo khilaafka u dhexeeya DP World iyo dawladda Jabuuti.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sanadkan Soomaaliya kula heshiiyay in Itoobiya isticmaasho ilaa afar dekedood oo Soomaaliya ku yaalla laakiin, dekedahaasi lama cayimin waxaana jira tuhun ku saabsan in dekedaha lagu heshiiyay ay dekedda Berbera ku jirto.

“Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu todobaadkii hore wariyeyaasha ugu sheegay Hargeysa in Itoobiya isticmaali karto in ka badan saddex dekedood oo Soomaaliya ku yaalla kuwaas oo ay ka mid yihiin dekedda Boosaaso ee Puntland, dekedda Marka iyo dekedda Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Bloomberg.

Guddoomiyaha DP World Axmed Bin Sulayman ayaa ku dooday in aanu Imaaraadku ujeedo siyaasadeed ka lahayn Afrika isaga oo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ku koobay mid ganacsi.

Abuubakar Cumar Xaddi guddoomiyaha hay’adda waddooyinka ee Jabuuti ayaa shirkadda DP World ku eedeeyay in ay doonayso in ay curyaamiso horumarka dhanka dekedaha ee Jabuuti. Waxa uu sheegay in aanay muraad ka lahayn hannaanka kaliya ee arrinta lagu xallin karo oo ah in lacag magdhaw ah la siiyo.

Halkan ka arkhi warbixinta Bloomberg

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.