Itoobiya Oo Sii Wadaysa Heshiiska Dekedda Berbera

0
Itoobiya Oo Sii Wadaysa Heshiiska Dekedda Berbera

Itoobiya Oo Sii Wadaysa Heshiiska Dekedda Berbera

Wargeyska The Reporter ee Itoobiya ka soo baxa oo soo xiganaya masuuliyiin dawladda Itoobiya ah ayaa ku warramaya in masuuliyiinta Itoobiya aaminsan yihiin in heshiiska Somaliland ee dekedda Berbera yahay mid ganacsi oo aan khusayn arrimo dhaawacaya Qarannimo sida Soomaaliya ku doodayso.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide oo heshiiska u saxeexay Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ku lug lahaanshaha Itoobiya ee heshiisku aanu dhaawacayn Qarannimada Soomaaliya “Itoobiya waxay ka qayb qaadanaysa heshiiska dekedda maxaa yeelay waxay u baahan tahay bedel kale oo ah marin badeed maaddaama baahidu la kordhayso koboca dadweynaha wakhti kasta kordhaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Shide.

Meles Alem, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegay in heshiiska dekedda Berbera ee maalgashiga ah iyo mashaariicda kale ee la midka ah yihiin hannaan ganacsi oo saafi ah oo aan ku lug lahayn siyaasad ama dhaawac Qarannimo. Waxa uu sheegay in dawladdoodu halkaas ka taaggan tahay heshiiskan oo Soomaaliya si weyn uga qaylisay.

Wargeyska The Reporter waxa uu sheegay in aanay helin danjiraha Somalia ee Addis Ababa iyo kaaliyeyaashiisa kadib markii ay tageen Muqdisho.

Khuburada siyaasadda juquraafiyadeed ee Itoobiya ayaa aaminsan in aanu heshiiska dekedda Berbera wax dhib ah ku lahayn Somalia laakiin, su’aasha la is waydiinaya tahay sababta Muqdisho sas uga qaaday doorka Itoobiya maaddaama Somaliland la macaamisho dalal badan oo ka horeeyay oo Imaaraadku ka mid yahay “Itoobiya maaha dalkii u horeeyay ee ku lug yeesha danaha ganacsi ee kobcaya ee Somaliland 2012 laakiin, dalal badan baa ku soo qulqulayay Somaliland, sidaa darteed waxa la is waydiinaya waa maxay sababta Muqdisho dhawaaqa walaaca leh uga keentay imika? Sidaas ayuu is waydiiyay Abebe Ayente oo falanqeeya siyaasadda juquraafiyadeed.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay jiraan dalal Carbeed oo daaha dabadiisa ka hagaya Soomaaliya taasna aanu filayn in ay saamayn weyn keento.

Shirkadda Dp World ee reer Imaaraad ayaa hore u sheegtay in ay sii wadayso heshiiska dekedda Berbera, islamarkaana mashaariicda bilaabayso dabayaaqada sanadkan, iyada oo macno darro ku tilmaantay hadalka Somalia. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu damaanad qaadayo in aanay cidna hor istaagayn heshiiska.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in DP World laga mamnuuco dalka ayaa cagaha la galay qalalaase kadib markii mooshin laga keenay guddoomiyaha aqalka hoose Prof Jawaari, sidoo kalena la dhaqdhaqaajiyay mooshin ka dhan ah ra’isal wasaaraha waxaana ammaanka baarlamaanka la wareegay ciidamada Afrikaanka ah ee AMISOM si looga hor tago gacan ka hadal dhexmara xildhibaannada hirdamaya.

Source: Reporter

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.