Itoobiya Oo Ra’isal wasaare Cusub Loo Doortay

0

Itoobiya Oo Ra’isal wasaare Cusub Loo Doortay

Golaha dhexe ee xisbiga Isbahaysiga hoggaamiya Itoobiya ee EPRDF ayaa doortay guddoomiyaha xisbiga oo ah Dr Abiy Axmed Cali. 42 jirkan ayaa ah guddoomiyaha xisbiga Oromada ee OPDO. Waa nin muslim ah oo Oromo ah inkasta oo hooyadii ka soo jeedo Axmaaro.

Sidoo kale wuxuu goluhu ansixiyay ra’isal wasaare xigeenka Mr Demeke Mekonnen oo noqonaya guddoomiye xigeenka EPRDF.

Guddoomiyaha loo doortay xisbiga isbahaysiga waxa ansixin doona baarlamaanka waxaanu noqon doona ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Itoobiya Oo Ra’isal wasaare Cusub Loo Doortay
Guddoomiyaha EPRDF iyo kuxigeenkiisa

Source: Fana/Addis Standard

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.