Itoobiya Oo Ka Hadashay Maamka Ay Daabacday

0

Itoobiya Oo Ka Hadashay Maamka Ay Daabacday

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ay sheegtay inay muujinaysay khaladaad.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopiaayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid “qalad ah oo aan la aqbali karin”.

Ethiopia waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Ethiopia waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudanta Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.

khariidadda Ethiopia ay sheegtay in si khaldan loo soo daabacay ee meesha ka saartay khariiradda Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhaysiisay bulshada Soomaaliya.

Xigasho: VOASOMALI

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.