Itoobiya Oo Dib U Habayn Ku Samaysay Militariga

0
Itoobiya Oo Dib U Habayn Ku Samaysay Militariga

Itoobiya Oo Dib U Habayn Ku Samaysay Militariga
Dawladda Itoobiya ayaa hoos u dhigtay ciidamadeeda Militariga ee jooga gobollada. Taa bedelkeeda waxay xoogga saaraysa in ay dib u aasaasto ciidamadeeda Badda. Sida ay ku warrantay wakaaladda Fana ee Itoobiya ciidamada gobollada oo ahaa 6 ayaa lagu koobay afar jaho oo ah Galbeedka, Bariga, Waqooyiga iyo Koonfurta.

Geesta kale Kulan ay shalay yeesheen saraakiisha u saraysa ciidamada ayaa lagu aasaasay guddi ka shaqaynaysa dhisidda ciidamada badda ee Itoobiya. Waxa kale oo isku shaandhayn lagu sameeyay madaxda militariga.

Dhinaca kale waxay maxkamadda Militarigu xukunno ciqaab ah ku riday 66 ka mid ah askarta militariga oo ka qayb qaatay ciidamo qabsaday xafiiska Ra’isal wasaare Abiy Axmed kuwaas oo mushahar yaraan ka cabanayay laakiin, ra’isal wasaaruhu sheegay in ay doonayeen in ay dilaan si loo fashiliyo dib u habaynta uu wado.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.