Itoobiya” Farmaajo Wuu Taageersan Yahay hawlgalka Itoobiya..”

0

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u xaqiijiyey in dawladda Soomaaliya ay si buuxda u taageerayso dawladda Itoobiya, hawlgallada ay ka waddo gobalka Tigreega.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu mawqifkan Soomaaliya u sheegay La taliyaha amniga ee raysalwasaare Abiy Axmed oo isniintii 23 ka noofambar booqasho ku tegey magaalada Muqdisho.

Gedu Andargachew, la taliyaha amniga ayaa ay wasaaraddu sheegtay in uu madaxweyne Farmaajo uga warbixiyey hawlgallada ay Itoobiya ka wado gobalkaas.

Hore ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya uu sheegay in dalalka deriska la ah Itoobiya ay dhammaantood taageero u muujiyeen dawladda Itoobiya iyo hawlgalladeeda Tigree.

@Marjaan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.