Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Aanay Wali Kulmin Madaxweyne Siilaanyo

0

Muxuu Ka Yidhi Khilaafka Xisbiyada, Nabadda Soomaaliya iyo Siyaasadda Wakhtigan S/land?
Hargeysa (Sayruuq)- Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ilaa 4 bilood oo uu Somaliland ku sugnaa markii u horaysay waraysi bixiyay una waramay telefishanka Universal ayaa soo bandhigay mawqifkiisa Somaliland iyo Somalia. Waxa uu sidoo kale sheegay inaanu ilaa hadda la kulmin madaxweyne Siilaanyo. Siyaasigan oo muddo dheer rumaysnaa aragtida Soomaaliweyn ayaa bilawgii bishii September lagu soo dhaweeyay Hargeysa kadib markii uu gooni isu taagga Somaliland ogolaaday. Waxaa la rumaysnaa inuu xil ka qaban doono xukumadda Siilaanyo hase ahaatee wuxuu sheegay inaanu ilaa hadda la kulmin madaxweynaha, wuxuuna arrintaas la xidhiidhiyay inay suuro gal tahay dad madaxweynaha ku xeeran oo aan jeclayn kulanka isaga iyo madaxweynaha.
“Madaxweynaha Maanu Kulmin Wali”
Ismaaciil Hurre Buubaa oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay bilawgii bishii September, ayaa sheegay inaanay wali is arag madaxweynaha marka laga reebo intii aanu Somaliland iman oo ay Imaaraadka isku arkeen “Maya lama kulmin madaxweynaha. Madaxweynaha waxaanu is aragnay mar aanu wada joognay Imaaraadka, Abu Dubai laakiinse, intaan halkan imid, waan ogoosnahay xisbiga Madaxweynuhu ka tirsan yahay(Kulmiye) dhibaatooyin badan oo ka jiray iyo siyaalo badan oo kolayba madaxweynuhu mashquul u ahaa, waanay dhici kartaa dadyawga ku xeeran qaarkood inaanay jeclayn malaha inaanu madaxweynaha is aragno laakiin, ismaanu arag ilaa imika,” ayuu yidhi mudane Buubaa.
Khilaafyada Asxaabta Qaranka
Ismaaciil Hurre Buubaa, wuxuu sidoo kale tilmaamay in asxaabta qaranka ay ahayd inaan lagu koobin saddex xisbi, taasina u muuqato arrimo daneed, balse ay habboonayd in asxaabta la furan karo, tiradooduna badan karto. Waxa uu sidoo kale arrimo aan muhiim ahayn oo xaalad abuur ah ku tilmaamay khilaafka asxaabta, isagoo ku dooday in arrimo muhiim ah lagaga gabbanayo “Runtii waxay ahayd in arrimaha waaweyn ee xisbiga gudihiisa la isku qabanayo amma umadda loo bandhigayaa noqdaan kuwo ku qotoma masiirka umaddan sidii wax ugu hoggaagi lahaayeen ee meel u gaadhi lahaayeen laakiinse, waxaad moodaa waxyaabo soke inay asxaabtu isku qabtaan, markaa marka laga eego Kulmiye intii aan joogay ayay arrimo badani dhaceen, may ahayn inay dhacaan oo anigu sidaan u arkayo inay sidaa u dhacaan ma ahayn oo xisbigu marka horeba nidaamkii uu ku shaqayn lahaa ayaa mooddaa inaanu xisbi haggaagsan ahayn, haddii kale may dhacdeen dhibaatada culus ee xisbiga dhexdiisa ka dhacday. Xisbiga Ucid qudhiisa waxyaabaha ka dhex dhacaya waxaad aragtaa inaanu xisbigu bislayn,” ayuu yidhi Mr Buubaa.
Mawqifka Buubaa Ee Somaliland Iyo Somalia
Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu sheegay in xalka Somaliland iyo Somalia dhibka kaga bixi karaan uu u arko Somaliland oo aqoonsi buuxa la siiyo. Waxa uu sheegay inuu muhiim u arko in dib loogu noqdo laguna xisaabtamo midawgii 1960-kii ee Somaliland iyo Somalia, wakhtigana aan la joogin midaw “Waxaan u arkaa in lagu noqdo labadii qaybood ee lixdankii isku yimid oo la eego bal mid walba inuu sidiisa isu taagi karo oo lagu noqdo midawgii oo qarannimadii ay markii hore isu tageen ee midka ka dhigeen laba laga dhigo, oo ay noqdaan laba dawladood oo Soomaaliyeed oo mid waliba madax bannaan yahay oo uu haysto dawladnimadiisii, taas in lagu noqdo ayay ila tahay, waayo? Danta Soomaaliyeed taas ayay ku jirtaa, haddii kale waxay noqonaysaa in wixiiba kala daadanayaan oo koonfurna dawlado yaryar oo iyaguba aan kala badbaadayn ay noqdaan oo dhibaato culusi meeshaa ka dhacdo,” ayuu yidhi Mudane Buubaa. Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in xalka kaliya ee Somalia yahay Somaliland oo aqoonsi la siiyo “Haddii lixdankii dan la mooday in labadii qaybood ee waqooyi iyo koonfur la isu keeno, maanta waxay dantu ku jirtaa in labadii mid walba gooni isu taagto. Maxay haddaba arrintaasi keeni kartaa? Aniga waxay ila tahay dhinaca koonfureed Dawladdo AMISOM la yidhaahdo ayaa tagay oo yidhi anagaa wax ka qabanayna, waynu ognahay inaanay arrintaasi suuro gal ahayn oo dhibaato weyni jirto, inkastoo magaalada Xamar yara degtay, haddana dhibaatada ugu weyni waa dhinaca ammaanka. Dawlad Soomaaliyeed oo Somaliland ah oo leh awoodihii dawladi lahaan jirtay, waa cidda kaliya ee dhibaatada ammaanka Koonfur wax ka qaban karta. Ethiopia kuma qaban karto, Kenya kama qaban karto, Uganda kama qaban karto, Rwandana kama qaban karto dawladdaha isku yimidna kama qaban karaan. Cidda wax ka qaban karta arrimaha ammaanka Somalia waa dawlad Somaliland ah oo la citiraafo oo la siiyo awooddihii dawladnimo oo hadda citiraaf la’aantu u diidayso. Heerkii caalamku aqoonsanaa qaranimo Somaliland ah wali lama gaadhin, waxaana loo baahan yahay sidii loo qancin lahaa caalamka in loo hawl galo. Sida aan u arko citiraafkaasi maaha mid dibadda ka imanaya ee waa in labadii qaybood ee markii hore isku tagay laba kala noqdaan oo is caawiyaan oo qarannimada Somaliland lagu soo celinayaa aanay noqon mid Somaliland uun afaca ee koonfurna uu anfaco,” ayuu yidhi Buubaa.
Siyaasi Ismaaciil Hurrre Buubaa oo dalka ku soo guyo noqday kadib muddo dhawr iyo toban anadood ah oo uu dibad wareeg ku ahaa siyaasadda Soomaali weyn ayaa imika iimaansaday siyaasadda dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.