Daawo:-Iska Hor imaad Ka dhax-qarxay Dowladda iyo Bulshadda Axmed dhagax ku dhaqan.

0

Hargeysa(sayruuq) Xukuumadda kulmiye Oo ku caan baxday inaay maatidda ujeeddo la’aan ku laayso.
2012 ayaa degaanka axmed dhagax iyo hawd waxa u sharaxnaa siyaasi rugcadaaye soona maray madax-weyne ku xigeenki kowaad ee jamhuuriyadda somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac,Kaasoy ka baqdeen inuu samaayn badan ku yeesho hadii uu saddex-da xisbi qaran ka mid noqdo,Cadaalad daro ayay  ku reeben xisbigi  u xaqsoori laha umadda ku dhaqan bariga iyo galbeedka somaliland.
Dowladdi kumaay hadhin inaay xisbigii reebta waxaay bilowday inaay jamaahiirti taagersanaayd ururki xaqsoor inaay gumaadan,Gumaadkaas oo ka dhacay hargeysa iyo saylac.
Dhalinti jeclaayd inuu u soo baxo xaqsoor ee ka bad-baaday gumaadki xukuumadda kulmiye waxaay bilaaben inaay dalka dhanba ka tahriiban kuwina waxay noqdeen qaar waqtigoodi galay oo adduunka ka safray oo dhanka iyo aakhiro aaday iyo kuwa kale oo yurub ku silcaya hadda.
2016 bishi october dhamaad keedi ayaa siyaasi ka soo jeedda bulshadda ku dhaqan axmed dhagax ama hawd ayaa loo doortay Gudoomiyaha waa mudane Xildhiban/Gudomiye Cabdi-qaadir Jirde oo badali doona musharaxa xisbiga wadani Mudane Cabdiraxmaan doorashadda dabadeed.
Xisbiga Kulmiye isku dayaya inuu iska hor keeno labadda bulsho ee ka soo kala jeedan Xil sugaha gudoomiyanimo iyo Gudoomiyaha xaaliga, ayay waxaay umaamuleen si qaab-daran si uga dhasho iska hor imaad  ciyaarti dhax maraysay Kooxdda matalaysay hawd iyo Kooxda matalaysay Daad-Madheedh.
Si kastaba ha ahaate waxaa la soo shegaya inaay caruur yar ku nafwaayen iska hor imaadka u dhaxeeyay shacabka iyo ciidanka.
Qoriga maaha in caruurta lagu laayo ee waa in iyaga cadowga lagaga ilaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.