Isaxaaqow ma qaddo maxaa idiinka meel yaala

0
Isaxaaqow ma qaddo maxaa idiinka meel yaala

” kaftan caawa, Isaxaaqow ma qaddo maxaa idiinka meel yaala”.
Sheekaba sheeko ayay keentaaye waxa la yidhi, dagaalkii huwan ayaa nin cabdale isaxaaqa oo guuleed la odhan jirey geenyo furtay, dabeeto geenyadii ayuu geed ku xidhay ilayn dagaal baa socdee.
Geenyadii oo ninkii geed ugu xidhan ayaa nin kale oo diiriye la odhan jirey geedkii ka furtay, dabeeto labadii nin baa geenyadii isku qabsaday .
Labadii nin markii arrintoodii la eegey, ayaa la is waydiiyay waar diiriye hadii garta lagga hello yaa u sheegaya , dabeeto Waxaa la yidhi aw cali jaamac hurwaa ( aw cali dhuub) ayuunbaa u sheegaya.
Gartii markii loo fadhiistay ayaa diiriye waa nin ilayn ninka ka gardarane Wuxuu yidhi ” gartayda ma qaddo iigu qaada ” oo macnaheedu yahay baab aanan kuba garwaayin iigu qaada.
Odayaaashi markey gartii naqeen , ayaa ninkii aw cali go’aankii la kacay waxaanu yidhi ” Diiryoow gartii waa lagaa heley , gar maqado la yidhaahdana in aanaan meel ay ku taalaba aanaan arag baa naga dhaara ” .
Imika waa halkaase,Isaxaaqaow Garta muuse idiin dhiibey waa ma qaddo , ee ma a qaddo maxaa idiinka meel yaala….”
Xiliban Ahmed Nour Guruje

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.